|

Taxanaha Sooyaalkii Ururadda Dhalinyara​da Gobolka Awdal, Qormaddii 16aad. Qoraaga Abdirisaq Mohamed Barkhad

Wasaarada dhallinyarada iyo ciyaaraha ee gobolka Awdal ayaa markaas billowday soo xulida ciyaaryahanadii Awdal u matali lahaa wareegaas, waayo gobolka Awdal ma laha xul joogto ah sidaas darteed waxa dhaqan ah in mar kasta oo uu furmayo wareega gobolada Somaliland ciyaaryahanada laga soo ururiyo kooxaha ka dhisan degmada Borama, haddaba wareegaas furmey sannadkii 2002 ayaa ciyaaryahanadii Wasaaradu xuleysay laga tagey koox deganeyd xaafada Xalane oo tirsaneysay in ay ku jiraan ciyaaryahano fiican, taasina waxa ay keentay in kooxdaasi wakhti habeen badh ah goostaan mid ka mid biraha goroonka weyn ee kubada cagta oo ku yaalla Waqooyiga magaalada Borama.

Dhacdadaas iyo falkaas foosha xun ee ay kooxdaasi ku kacdey waxa uu keeney in uu burburo wadda hadaladii socdey ee qorshihiisu ahaa dib u heshiisiinta kooxaha isku dili jirey kubada cagta, taas oo ay dhex dhexaadintiisa ku jireen ururka dhallinyarada SAYS gaar ahaan guddigii ka koobnaa afarta xubnood ee hoggaanka ururku u xil saarey soo afjarida dhibaatadaasi oo saameyn ballaadhan ku yeellatey waayaha iyo wadciga nolosha ee gobolka Awdal.

Guddigii Ciyaaraha u qaabilsanaa ururka dhallinyarada SAYS arrintaas dhacdey waxa ay ka galey halgan dheer waayo waxa ay ku dadaaleen in wadda hadaladii ay dhallinyarada dhexdooda ka wadeen lagu sammeeyo hambo qabateen maadaama la yidhi caano daatey dabadood la qabey, runtiina si isku soo dhawaanshihii dhallinyaradu halkoodii hore ka sii socdaan waxa ay ku xidhneyd in marka hore la soo celiyo birtii laga gooyey garoonka weyn ee kubada cagta.

Muddo kadib ururka SAYS wuu ku guuleystay in uu soo qaado birtii garoonka taasina waxa ay noqotey tallaabo wannaagsan oo dib u soo celisay wadal hadalkii kooxuhu in uu halkiisii hore ka sii socdo si loo afjaro rabshadaha ay dhallinyaradu ka dhex sammeyn jireen wakhtiga habeenkii gudaha magaalada, maalintii ururka dhallinyarada SAYS soo celiyey birtii garoonka dabadeedna inta ay geeyeen Geerashka la soo sammeeyey isla markaana la soo mariyey ranji iyo midab cusub ayaa ururku birtii dib ugu taagey garoonka kubada cagta, waxaana hoggaankii iyo hawlwadeenadii SAYS jeebadooda ka bixiyeen wixii kharashaad lacag ah ee ku baxey sammeyntii birta, ranjigii la mariyey, sibidhkiyo ciidii lagu dhidbayey lugaheeda si xoog loogu taago dhulka hoostiisa, maalintaas uu ururku qabtey hawsha laga billaabo waxa ay dhallinyarada ciyaarta kubada cagtu ee ku nool degmada Borama ururka SAYS u aqoonsadeen in uu yahay urur samafal oo ka daacad ah hawsha uu hayo waxaana ay kasooni buuxda ku siiyeen in ay u hoggaasamayaan wax kaste oo u soo jeediyo ururka dhallinyarada SAYS.

Haddaba maalintii uu ururku isku wadda keennayey kooxihii ku coloobey kubada cagta ee deganaa labbada xaafadood ee Xalane iyo Axmed Gurey waxa uu qorshuhu ahaa in la isugu wadda yimmaado garoonka weyn ee kubada cagta laakiin nasiib xumo waxa maalmahaas gudaha magaalada Borama ka jirey dagaal yar oo dhex marey labbo Beelood oo ka mid Beelaha walaalaha ah ee wadda dega gobolka Awdal, dagaalkaasi oo ka dhashey beero la isku haystey ayaa sabab u ahaa in dadweynihii deganaa daanta bari ee degmada Borama ay u soo qaxaan dhinaca daanta galbeed, waxaa kale oo xusid mudan in Maddaxweynihii wakhtigaas ee Somaliland Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal uu gudi Odoyaal ah oo ka socdey golaha Guurtida ka soo direy magaalada Hargeysa kuwaasi oo u socdey waan waanta iyo nabadeynta labbada Beelood ee dirirtu dhex martey, sidoo kale waxa arrintaas ka qeyb qaatey ciidamo Birmad ah oo berigaas la dejiyey dugsiga sare ee Sheekh Cali Jawhar.

Sidoo kale markii uu ururka dhallinyarada SAYS arkey dhibaatada ka jirta gudaha magaalada Borama waxa ay laaleen qorshihii ahaa in kooxaha kubada cagta la isugu keeno garoonka weyn ee Ciyaaraha maadaama ay ka eegayeen dhinaca nabad galyada sidaas darteed waxaa la isla gartey in dhallinyarada lagu kulmiyo garoonka kubada gacanta iyo koleyga oo ah mid dhismihiisu yahay meel amaan ah oo leh dayr weyn iyo meelo ay fadhiisan karaan dadweynaha Borama.

Ururka SAYS maalin maalmaha ka mid ah ayuu garoonka koleyga ku qabtey munaasibad ballaadhan dabadeedna halkaas baa la isugu wadda keeney dhammaan kooxihii Ciyaaraha ee ka dhisnaa degmada Borama kuwaas oo si calool furan isku gacan qaadey isla markaana ku heshiiyey in ayna rabshad dambe ku kici doonnin, madasha ay dhallinyaradu ku heshiinayeen waxaa goob joog ka ahaa dad fara badan oo magac iyo maamuus ku leh bulshada reer Awdal waxaana ka mid ahaa dadkaasi Prof. Saleebaan Axmed Guuleed, Sheekh Xassan Daheeye iyo qaar kaloo badan.

Prof. Saleebaan Axmed Guuleed oo kulankaaas ka hadley ayaa aad ugu dheeraadey in aaney dhallinyaradu ku mashquulin wax dhaawacaya nabad galyada dalka balse ay ku dadaalaan siddii ay u dhisi lahaayeen mustaqbalkooda gaar ahaan dhinaca Waxbarashada waxaana hadalkiisii ka mid ahaa “Waad dareesan tihiin dhibaatada yar ee maalmahan ka jirta gudaha magaalada, waana mid loo fasiran karo in waa weynkii aan is khilaafney idinka oo yar yarkiina waa is khilaafteen, runtii Anaga khilaafkayagii si loo xaliyo Guurti baa Hargeysa uga timmid laakiin idinku waad naga wannaagsan tihiin oo dhibaatadii dhexdiina taalley dhammeysatey waan wax loogu mahad naqo Illaahey” Waxa kale oo munaasibada ka hadley dhallinyar badan oo ururka SAYS ku amaaney dadaalka iyo wakhtiga ay galiyeen horumarinta dhallinyarada gobolka Awdal.

Si kastaba ha ahaatee ururka dhallinyarada SAYS halkaas kagama hadhin dhallinyaradii ay heshiiska ka dhex abuureen maadaama ay markiiba gudo galeen in ay kooxaha kubada cagta u qabtaan wareeg weyn oo ay ku tartamaan, waxaana uu ahaa wareeg qurux badan oo lagu qabtey garoonka immika loo yaqaano Xasan Sheekh Muumin, waxa kale oo wareegaasi uu ahaa wareegii u horreeyey ee muddo saddex sanno ah lagu qabto garoonka weyn ee Borama kaas oo ku dhammaadey si nabadgalyo ah.

La soco qeybaha kale ee qormadda…

Abdirisaq Mohamed Barkhad
E-mail: rasiiqi07@hotmail.com

Comments are closed