|

Siilaanyo Gaal Talyaani Ah Ayuu Qandaraas Ku Siiyay Qurxinta Gurigiisa, Shacabkiin​a Gaajo Iyo Darxumo Ayuu La Tiicayaa. By Maxamad Cali Gaabiye

Salaan wacan shacbi weynaha reer Somaliland ee sharafta badan ee daalinku iyo kooxdiisu iskugu dareen gaajo, sicir barar, biyo la’aan iyo habeenkii oo loogu daato guryahooda, Berigii uu Siilaanyo ilamada daadinayay ee uu lahaa waar I doorta aan wax idiin qabtee, ee markii la doortay uu ula soo baxay shacabkii doortay xadhig iyo car juuq dheh iyo Gaajo , biyo la’aan iyo sicir barar baahsan ku dil, waa kaa maanta daalinkii Siilaanyo gurigii uu ka dhaxlay Riyaale uugu yeedhay gaal talyaani oo guryaha qurxiya ee xoolihii umadda iyo deeqihii inooga yimi dalalka aynu walaalaha nahay badhna jeebka ku shubtay isaga iyo reerkiisu badhna ku qurxinaya guriga uu seexdo, hadaba shacabkii Somaaliland ee kursiga saaray daalinka halkuu marayaa xaalkoodu? waxaa shacabkii Somaliland dishooday sicir barar baahsan, batroolkii oo cirka la geeyay, taasina ay keentay in shacabkii bas raaci kari waayo raashinkiina iibsan kari waayay markii qiimihiisu cirka isku shareeray, iyadoo shacabkii bakhtiyayo miyay ahayd in Siilaanyo nin talyaani qandaraas ku siiyo in uu qurxiyo aqalka uu seexdo .

Shacabkii Somaliland way ku khasaareen doorashadii ninkaa daalinka ah, ee aan ilaa imika fahmin wixii loo doortay waxay ahayd, waxa la doortay waxay ahayd in uu wax ka qabto maciishada shacabka iyo adeegyada kale, laakiinse isagii ayaa wax walba iska fuur yeelay, oo waataa maanta deeqihii dalka loogu yaboohay meel ay qabteen la la’yahay, Inshaallah markay dawlad daacadi timaado, waxa dhici doonta in la soo qabto Siilaanyo iyo kooxdiisa tuugta ah oo maxkamad la geeyo oo inta la xidho xoolihii umadda ee ay xalaashadeen laga soo celiyo .

Maxamad Cali Gaabiye

Riyadh, Saudi Arabia

Comments are closed