|

Madaxweynaha Soomaaliya Oo Soo Dhaweeyay Cunaqabateynta Hubka Ee Laga Qaaday Soomaaliya.

Mar,06,2013.Muqdisho(Cadceed)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu  sida ugu wanaagsan usoo dhaweynayaa go’aanka Golaha Amaanka ee Qaramada midoobay ee ku aadan ka qaadista cunuqabeteynta hubka  ee laga qaaday Dowladda Soomaaliya.

Madaxweynaha Xassan Sheekh “Waxaa jirto xisaabtan iyo masuuliyad la socota go’aankaas.Golaha Amaanka Go’aankooda wuxuu si sax ah ula socdaa isbedelka cusub ee siyasadeed ee ka jira Soomaaliya.” Cunuqabateyntan ayaa Golaha Amaanka si qeyb ah uga qaadeen Dowladda Soomaaliya” ayuu yiri madaxweynaha.

“Kumanaan Ciidamadda ee Xooga Dalka oo ay soo tababreen dalalka aan saaxibada nahay ayaa Soomaaliya dib ugu soo laabtay, nasiib daro qalab la’aan ayaa  caqabad ku noqotay si ay howshooda u gutaan . Ciidamadaan ayaa si wadajir ah howlaha amniga ula fuliyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM” ayuu markale yiri madaxweynaha.

“Dowladda waxey u mahad celineysaa Golaha Amniga , qadarintooda iyo fahamkooda, waxeyna Dowladda Soomaaliya masuuliyad iska saareysaa  dhamaan sharciyadda iyo sharuudaha la socda go’aanka Golaha Amniga ay gareen, si waafaqsan nidaamka, kuna dhisan hufnaan”

Ugu danbeyntii Madaxweynaha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay ka qeyb qaatan dib- u dhiska dalkooda. “Talaabadan ayaa ah guul usoo hoyatay dhamaan Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyo”.

 

Cadceednews  Muqdisho

Comments are closed

Akhriso Wararkii U Danbeeyey