|

Daawo Video: Soomali Lagu Qabqabtay Dagaalka Ka Socda Dalka Maali

Mar 05,2013.Muqdisho(Cadceed)-Ciidamada Chad oo iyagu kamid ah kuwa ugu badan ee gacanta siinaya ciidamada Mali iyo kuwa Faransiiska ayaa la wareegay qaar kamid ah Saldhiyada ay kooxda Al Qaida ku lahayd buuraha ku yaal gobalka Kidal ee Waqooyiga dalka Mali.

Ciidamada Chad ayaa todobaadkan shaaciyey inay dileen labo kamid ah hogaamiyaasha Al Qaida ee Galbeedka Afrika Mukhtar Bel Mukhtar iyo Cabduraxmaan Abu Saciid oo ku sugnaa dalka Mali.

Waxaa markii ugu horeysay Saxaafadda loo soo bandhigay qaar kamid ah dagaalyahanada Al Qaida ee lagu soo qabtay dagaalka ka socda dalka Mali.

Ragga lasoo qabtay ayaa waxa kamid ah dad kasoo jeeda Soomaaliya, Marooko iyo Tuniisiya oo kamid ah dagaalyahanada Ajaanibta ah ee ka qeyb qaadanayey dagaalka ka socda dalka Mali.

Daawo Telefishinka Aljazeera oo laga soo daayey qaar kamid ah ragga la qabtay

Cadceednews Muqdisho

Comments are closed

Akhriso Wararkii U Danbeeyey