|

Daawo:Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida Itoobiya Oo Loogu Soo Dhaweeyay Deegaanka Xarshin

Mar 16,2013(Cadceed)-Madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar, oo socdaal uu ugu magac daray “SAMO-WADE” ku maraya deegaamadda Xarshin iyo Darood iyo jiidaha hoos yimaada labadaasi degmo, ayaa saaka si diiran loogu soo dhaweeyay Magaalada Laan-qeyrta, halkaasi oo ay si weyn u soo dhaweeyeen Boqolaal qof oo ka mid ah bulshadda ku dhaqan Magaaladaasi

Madaxweyne Cabdi Maxamed Cumar oo saaka ka soo kicitimay degmada Xarshin oo uu xalay weftigiisu u hoyday, waxa saaka weyn u soo dhaweeyay bulshada ku dhaqan magaaladda Laanqeynta ee hoos timaada degmada Xarshin.

Comments are closed