|

Daawo Video: Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud Oo La Kulmay Amiirka Dalka Qadar Bin Khalifa Al Thani.(Sawiro)

Mar 04,2013(Cadceed)-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo la kulmay amiirka dalka Qadar Hamad Bin Khalifa Al Thani.Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaaliga ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigii uu hogaaminayay ayaa maanta la kulmay Amiirka Qadar Amiir Hamad bin Khalifah Al-Thani. madaxweynaha oo marti qaad rasmi ah ka heley Boqortooyada dalka Qadar ayaa muhiimada safarkiisa lagu sheegay iskaashi guud oo dhan walba ah oo dhex mara Soomaaliya iyo Qadar.
Kulanka maanta ayaa waxaa qeyb ka ahaa Raisul Wasaare ku Xigeenka ahna Wasiika Arimaha Dibadda Marwo Fowzia Yusuf Xaaji Adam, Wasiirka Maaliyadda Maxamud Xassan Suleymaan,Wasiiru Dowlaha Madaxtooyadda Mudane Faarax Sh. Cabdulqaadir, Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qadar Ambassador Cumar Sh. Cali Idriis ,Taliyaha Nabadsugidda Axmed Macallin Fiqi, iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyadda Kamaal Daahir Xassan Guutaale.Ugu horeyntii Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay Amiirka Qadar sida sharafta leh ee uu usoo dhaweeyay wafdiga Soomaaliya. Sidoo kale Madaxeynaha ayaa ku aamanay Amiirka Qadar horumarka ay ka gaartay xagga Dhismaha iyo Wax barashadda oo hogaankiisa wanaagsan ku timid.

Intaas kadib, Madaxeynaha ayaa uga warbixiyay xaaladda cusub ee ka jirta Soomaaliya, iyo muhiimadda dib-u heshiisiinta iyo Midnimadda Soomaliyeed.skaashi heer sare iyo in wadajir labadda dal ay u shaqeeyaan waa muhiim waana lama huraan”… ayuu yiri Madaxweyne Xassan. Labada masuul iyo wasiirada labadda dal ayaa ka hadlay qaabkii Soomaaliya loo kabi lahaa xagga dhaqaalaha iyo in deynta Soomaaliya lagu leeyahay wax looga qabto si Soomaaliya ay uga mid noqoto hay’adaha Caalamiga Maaliyadda.Mar uu ka hadlay Barnaamijka Madaxweyhana ee uu ugu magacdarey “Lixda Tiir” ayuu yiri “Isbedel iyo Rajo Wanaag ayaa Soomaaliya ka jira, maalgelin yar oo lagu sameeyaa Soomaaliya saameyn weyn ayey keeneysaa.”Xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Qadar ayaa Madaxweynaha iyo Amiirku ay si weyn uga hadleen kulankan.Dib usoo celinta xiriirka Soomaaliya ay la leedahay Beesha Caalamka ayaa qeyb ka ah dowladda Soomaaliya qorshaheeda.

Maalinta berri ah ayaa Madaxweynuhu ka qaybgalayaa kulan ay soo qabanqaabiyey Telefsihanka al-Jazeera waxaana uu khudbad ka jeedin doonaa Hotelka Shraton ee magaalada Doxa.

Comments are closed