|

Bulsho Xigtii & Xaftiiba Laga Madhiyay Part Two. By Faysal Abroone

Toqoshi- Qaybtii Labaad ee Taxanaha Silsiladii La Baxday Bulsho Xigtii & Xaftiiba Laga Madhiyay Ayaanu Halkii Ka Sii Wadaynaa’ kolkay taariiqdu ahayd 1876kii ayaa dowladii masaarida qabsatay dhulkii soomaaliyeed dowlada masaaridu waxay caadadeedu ahayd inay nimanka boqorada ah kadeedan, kolkaa ugaasi nuur ayay isqilaafeen deedna waxay damceen in ay faras jiidhsiiyaan, hadaba markuu faraskii ku soo dhawaaday ugaaskii ayuu faraskii adimada dhulka la galay oo uu askarigii fuushanaa afweynta u dhacay gacanta midigna uu ka jabay. kolkii ninkii u sareeyay masaarida loo sheegay siday wax u dhaceen waxaa uu yidhi sidii horey la’iigu sheegay ninkani waa ruux karaama leh markaa Ugaaskii ayuu u yeedhay oo uu raali gali wayn ka Bixiyay waana uu soo dhaweeyay wuuna Karaameeyay waxuuna siiyay Qori: waxaa uu u sheegay inuu dadkiisa isaga xukumayo oo haan loo gacan dhaafayn. intaa ka dib ninkii masriga arintiibuu gaadhsiiyay hogaamiyihii masaarida oo la’odhan jiray ( Imaaciil Baasha )

Mr Baasha waxuu amar ku bixiyay in uu la kulmo ugaas nuur lana soo raaciyo wafti dadkiisa ah kolkaa ugaaska iyo wafuudii la socotayba waxaa loo diray Qaahira oo ah xaruntii masaarida, waxaana ka mid ahaa waftigii halkaa tagay al-amiir cilmi warfaa, mr caamir dhurwaa iyo mr kulmiye guuleed, ugaaskii iyo wafuudii waxaa ka hor yimid oo siwayn u soo dhaweeyay mr ismaacil baasha isagoo dajiyay daartii martida waxaa uuna ku yidhi waan ku faraxsanahay aragtidaada waana la’ii sheegay inaad tahay nin Xikmad badan wuxuu Huwiyay dhar Xariir u badan iyo Jubado badan oo qaarkood lagu Daleeyay Dahab, wuxuu kaloo siiyay Boqol Bunduq. oo uu ka mid ahaa Bunduqii uu ku laynayay Maroodiga wiilkiisii Ugaas Rooble, kolkuu Qaahira joogay mudo badan ayuu ku soo noqday Wadankiisii isagoo Farxaan ah:

kolkay taariiqdu ahayd 1884kii dhulka waqooyi ee soomaaliyeed waxaa soo gashay dowladii Ingiriiska waxaa uuna waqtigaa joogay Ugaas Nuur Magaalada Harar” waxayna waqtigaasi ahayd markii ay masaaridu ka baxaysay dhulka waqooyiga soomaaliyeed’ waxaana ugaas nuur iyo mr cilmi warfaa u yeedhay ( Mujiir-Huntar iyo Ridwaan Baasha ) waxayna ka dalbadeen inay ciidan badan oo soomaaliyeed keenaan si ay u noqdaan askar caawisa boqorka cusub ee Harar’ ee la’odhan jidhay ( Cabdala C/Shakuur – Waali Harar ) halkaa waxaa lagu aruurshay Rag Soomaaliyeed oo ku dhaw 3000 Sedex Kun’ waxayna ahaayeen ragaasi kuwii ka dagaalgalay deegaanka ‘Jalaqo’ ama dagaalkii jalaqo, kolkuu ridwaan baashe ka tagayay harar ee uu ku noqonayay magaalada qaahira wuxuu u geeyay cabdala c/shakuur, ugaas nuur waxuu kuna yidhi ninkaasi waa nin wayn oo boqora oo xigmad badan ee la saaxiib oo arin waliba kala tasho”

mudadii uu hayay boqornimada ugaas nuur kolkay taariiqdu ahayd 1887kii waxaa soo weeraray magaalada harar iyo dhulkay xukunto boqorkii xabashida ee la odhan jiray Minilik” waxaa halkaa ka dhex-dhacay dagaal adag taasoo uu hogaaminayay cabdala c/shakuur ( Dagaalkii Jalaqo ) kaasoo labada dhanba dad badani ku le’deen dagaalkaasi kolkuu dhowr sano socday nin khaa’in ah ayaa kula taliyay xabashida inay magaalada ka soo galaan dhinaca bari. markaa cadowkii iyaga oon laga warhayn ayey ka soo duseyn halkii balantu ahayd ee bari magaalada gudaheedana guluf aad u wayn ayaa ka dhacay boqorkii iyo dadkii xigayna dad bada ayay ka laayeen Xabashidii, abaan duulihii uu Mililik soo diray ee Qabsaday Harar waxaa uu ahaa ninkii la’oran jiray Raas-Mokonon, dib ayaanu ka sheegi doonaa Mokonon oo ahaa Budhcad madhiyay soomaalida iyo xoolahoodii,ugaas nuur waxaa uu ka mid ahaa ragii maalinkaa halkaa sida Ba’an uga Dagaalamay waxaa uuna ka Tiriyay Gabay Muruga ah isagoo ka Xumaaday Dhulkaa uu Cadawgu Qabsaday; xiligaa waxii ka horeeyay xabashidu ma’aysan soo gaadhin deegaanada soomaalida mardambe ayuu raas-mokonon u yeedhay ugaas nuur wuxuuna ku yidhi dhulka gadabursiga waxaan u dirayaa askar ilaalisa.

Arrintaasi waa uu diiday ugaaska si wayn ayuuna baaqaasi uga hor tagay. aduun damac kama dhamaadee Mililik waxaa uu Ugaas Nuur u soo Jeediyay Fikir odhanaya waa inaanu ku heshiinaa inaad Bixiso Sanadkiiba Boqol Wan. ugaasku waa uu ka gows adeygay arrintaa waxaa uuna ku yidhi marna ma’ogoli inay xabashi dhulkayga soo gasho. intuu ugaas nuur noolaa ma jirin nin kaliya oo xabashi ah oo soo hawaysta dhulka gadabursiga alla yaaraxma Ugaas Nuur waxaa uu Geeryooday 1898kii Milaadiga waxaana lagu aasay Meesha la Yidhaahdo ( DIRI ) aqristow waxaa uu sheegay ninkii ingiriiska ahaa ee la odhan jiray Better kuna magac dheeraa Sheeq’ Cabdala’ wuxuuna haa ninkii ugu horeeyay ee dhulka soo Gala wax ingiriis ah ee Yimid magaalada Barbera waxuu ku Cadeeyay Kitaabkiisa uu ku Magacaabay ( Talaabadii u Horeysay ee Afrika ) inuu ugaas nuur ugu tagay Fayaanbiiro. halkaasna uu si wanaagsan ugu soo dhaweeyay Ugaaska’ waxaa kale oo uu sheegay inuu halkaa ku arkay Ugaas Nuur oo loogu dabaal dagayo 500 shan boqol oo Faras isagoo sii wato hadalkiisa waxaa uu yidhi waxaan la yaabay sida ninkaasi waa Ugaas Nuure uu dadkiisa u Jecelyahay:

” Ugaas Nuur Ugaas Rooble” Waxaa uu qoray Kitaab layiraahdo ( Harar Waraysa ) oo uu Luuqado Kale Urogoy nin masri ah kaa soo ahaa ragii dhulkeena soo galay, waxaa uu sheegay nin kaasi kolkii ay Qabsadeen Harar inay ciidan-kooda ku dajiyeen meesha la yidhaahdo ( Jal-Daysa ) deegaankaas oo ah dhulka Gadabursiga waxayna xaga Galbeed ka xigtaa Magaalada Harar waxaa kale oo uu sheegay in dadka Gadabursiga yihiin kuwa xaga Ganacsiga aad ugu Horumaray Iyo Iyagoo Dhamaantood ku Hadla Afka Carabiga:

Lasoco Qaybaha Xiga,,,,,,

Ref: Ilbaxnimadii Adal & Sooyaalka Soomaaliyeed

W: D: Diyaarshay Suxufi Abroone

Comments are closed