|

Xirsi Iyo Musow Kulmiye Cabanaa Oo Calool Nugulaa By Yaxye Zakaria

Salaaam warbaahinta qiimaha le Xirsi iyo Musow Kulmiye Cabanaa oo calool nugulaa waa maxay qeyladu hadii safarkii Silaanyo la dhaliiley adkeysta calaa cal kana joojiya. Musow safiirka Somaliland u fadhiya Nairobi waa Sifir oo shalay wasiir ka ahaa Xamar ilaa hadana aan ku qanac sanayn gooni isu taaga Somaliland hadana kaasaa telkiisa heysaan oo la hadashaan ee sidey wax u jiraan. Sifir in Silaanyo weligiiba Xamar u diran jirey waa la ogaa, iminkana hawsha uu Nairobi ka hayaa maaha mid Somaliland u dana … sababta oo ah weligiiba kumuu qancin gooni isu taaga Somaliand. Muse Biixi adna bakhaar nin kale leeyey baad sii haysaa ee sare iyo hoos ba wax loogugu sheeg in aanad musharax noqon Karin. Muse ham hamta waa lagu yaqaan oo berigii SNM tiina maalin goob uu ka dagalamay lama sheegin isaga iyo ina kaahin toona. Ha cadeeyo hadey jirtey. Dam damtaa uun buu waagaana dadka kula dhex jirey oo weliba Silaanyana col daahii goa’y bay ahaan jireen ileyn waa nin hadal uun ka shaqeeya oon dagaal ku jrin e. Xafladii soo dhaweynta Dalsan horta protocol ka ayaa ka qaldanaa oo waxa furey Wasiir Xirsi halkii uu gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muse Biixi ka furi lahaa. Xirsi oo caqli xumo wuxuu ka qabo qirtey gabadhu in ay Text Message ku xidhantahay. Kuma jirto distoorka iyo qawaaniinta maxkamadaha Somaliland in Text Message la isku xidho. Xirsi wuxuu u badheedhey in gabadh yar loo gar qaado bal in aannu maskaxda ka fayoobeyn, Weli lama arag nin Somaliyeed oo gabadh geed hoostii loogu gar naqayo tana waa la mid oo maxkamad ayaa loogu gar naqayaa.

( Xirsi waa kaa ).

Shicibka Somaliland ha ogaadaan in taladii dalka dhowr dumara oo madax tooyada fadhiya iyo Xirsi loo dhiibay oo Madaxweynuhu xaalad caafimaad darteed aannu tahlayn in uu dalka sii xukumo. Madaxweyne ku xigeen kuna waa kaa qiiqaaya ee Xirsi ka cabanaya ee garan waayey waar intaad Borama fadhiisato waxaad tidhaa soo nqon meyso Awdal ilaa xirsi iyo guutadiisa laga saaro madax tooyada. Zielici jileyca iyo dudmada iska daa oo awooda Awdal istic maal oo Xirsi wax tus in kasta oo silaanyo qudhiisu aannu Xirsi ku dheeryn Karin oo dhiigshiil soo dhigtey meesha.

Yaxyez@yahoo.com

Comments are closed

Akhriso Wararkii U Danbeeyey