|

“Waxaan Ku Talin Lahaa Haddii Ay Timaado Federaal Inaan Laga Maagin, Madaxweynahana Waxaan Ku Idhi Anagaa Shacabka U Sheegi” Suldaan Maxamed C/Qaadir

Feb 11, 2013 Hargeysa(Cadceed) – Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir, ayaa ka hadlay sida uu u arko Safarka Madaxweynaha Somaliland uu ku tegay Dalka Ingiriiska iyo dhawaqyadii ay Dawladaha Maraykanka iyo Ingiriisku ku sheegeen inay Muwaadiniintooda kala baxayaan Somaliland, isaga oo sheegay inuu Madaxweynaha Somaliland kula taliyey inuu soo qaado wixii uu dan u arko ee Somaliland uga soo baxa shirka uu Ingiriisku u qabanayo Somalida.

Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir oo Xalay khadka telefoonka ugu warramay Wargeyska Saxansaxo, ayaa waxa kale oo uu ka hadlay sida uu u arko in wax laga bedelo Distoorka Dalka u yaalla, waxaanu sheegay inuu soo jeedinayo in ay arrintaasi ka fududaan lahayn iyada oo beesha Bariga Dalka ee Dhulbahante la siiyo Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka oo la iska daayo qorshaha ah in dalka Madaxweyne ku xigeenka Labaad loo sameeyo.

Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir oo arimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Dawladdaha Maraykanka iyo Ingiriiska ee dadkooda yidhi ka soo baxa Somaliland, waa niman ay Sirdoonkoodu inaga khatar sanyihiin, waxaana jiri doona wixii xaqiiqo ah, waayo ninka dalkaaga kaaga war rooni waxa uu sheegayo iska odhan mayo, waxaanan qabaa in aanay dalka inooga war roonayn oo ay Somaliland Nabad geliyadeedu taam tahay, intan ay Ururradii Koonfur ka dagaalamayey ay soo bexeenna, waxa laga yaabaa inay wax inaga soo gaadhaan, waxaanay Dawladdahaasi waxaas u samaynayaan waa ka hortag aynaan inagu hibin oo ay dadkooda ugala baxayaan, laakiin Somaliland laguma tilmaami karo meel Argagixiso”

Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir oo ka hadlayey Safarka Madaxweynaha iyo sida uu u arko waxa uu yidhi “Madaxweynaha waxa loogu yeedhay waa arrimo Siyaasi ah, anigu waxaan ku talin lahaa haddii ay meeshaas timaado Laba Dawladood oo Federaal ah inaan laga maagin, waayo in ka badan 20-sanno ayeynu meel uun taagnayn oo aanuu shakhsi keliyaata ahi Aqoonsi ina siinin, haddii aynu inagu is aqoonsannay, hadana waa inaynu haysanaa Aqoonsi caalami ah, Gooni isku taagga Somaliland waa muqaddas ayeynu nidhi, hadana tan ah laba Dawladood oo federal ah oo Koonfur iyo Waqooyi ah wax dhib ah uma arko, waxa aynu u baahannahayna waynu ka wada hadli karnaa oo shuruudda aynu la galnno ayuunbaynu hadhwna kaga bixi karnaa taas, waxaan leeyahay arrintaasi waa mid muhiim ah, laakiin Federaalka ka jira Koonfur iyo tan ka dhexaysa Somaliland iyo Somalia ma aha mid uu muran ka yaallo, markaa waxaan u arkaa in taas Federaalka ah wax lagu qabsan karo, laakiin haddii ay shacabku Dawladda Afka uun kaga taagnaadaan, waxa loo baahan yahay in shacabku uu Dawladda waxyaabaha qaar ku dhiiri geliyo, waxaan leeyahay Aragnay Gooni isku taaggii oo Caalamka wax aqoonsi ah kama hayno waxa aan ahayn Caawimo yar oo la inoo keeno, laakiin haddii aynu leenahay Caalamka Caawmona kama rabno oo Nabad gelyada yadana waanu ku filanahay, waa in Fagaarayaasha Caalamka laga sheegaa oo lagaga hadlaa oo ay Dawladda iyo Baarlamaanku doorkooda ka qaataan, markaa waxaan leeyahay haddii aynu qiil kale waynay waa inaynu Federaalka ogolaanaa oo aynu qaadannaa, wixii aynu doonaynay haddii ay inoo socon waayeen, waa inaynu wixii inoo dan ah Madaxweynaha ku nidhaahnaa inoo soo qaad, Madaxweynahana waan u sheegay oo waxan ku idhi wixii aad dan u aragto ee aan la dhaafi karayn inoo soo qaad, shacabkana anaga ayaa u sheegayna”

Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir oo ka jawaabayey su’aal ku saabsanayd wax ka bedelka Distoorka waxa uu yidhi “Arrinta wax ka bedelka Distoorka waxaan leeyahay ama sidii uu xeerku ahaa ee lagu heshiiyey ha lagu soo celiyo oo Jagaddii ay beesha bari lahayd ee Guddoomiyaha Baarlamaanka ha la siiyo Beesha Daarood oo ha la iska daayo, arinta kale ee ah in Madaxweyne ku xigeen labaad ha la sameeyo, waxaan leeyahay Guddoomiyaha Baarlamaanka uun ha la siiyo Beesha Daarood”

Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir oo aanu waydiinay sida uu u arko Ururrada ku biiraya Xisbiyada iyo waxa uu talo u jeedinayo Ururkii Xaqsoor, waxa uu yidhi “Ururrada ku biiraya Xisbiyada waxaan leeyahay hore ayaan uga hadlay oo aan isku raaciyey, markaa waxaan u arkaa inay yihiin Axsaab kalan duwan oo ah is bahaysi uu mid waliba Mabda’ aaminsanyahay, markaa uma arko inay isku bahaysteen Nidaam reernimo ah, midda kale Ururka Xaqsoor Xisbiga ay hadda isugu dhuun daloolaan ee uu wada hadl u socdaa waxa weeyaan Xisbiga UCID, markaa waxa ay wadeen Xaqsoor in loo xaqiijiyo sidii ay ku hadheen, waxaanay xaq u leeyhiin inay sugaan Dacwadda ay wadaan waxa ka soo bixi doona oo aanay cidna ku biirin xaq ayey u leeyhiin, Walaalkay Mujaahid Xasan Ciise Jaamac, waxaan leeyahay wax kasta oo dhacay Nabad geliyada Somaliland ku dhaaf, Xisbiga aad is qaban kartaanna idinka ayaa oge Caano daatay dabadood la qabaye sidaas ayaanu u soo jeedinayaa Xasan Ciise Jaamac”

Xigasho: Wargeyska Saxansaxo

Comments are closed