|

Wasiirka Madaxtooyada Oo Markii Ugu Horeysay Meel Fagaare Ah Kaga Hadlay Sababta Uu U Xidhay Gabadhii Mobile-ka Ugu Soo Dirtay Fariintii Cayda Ahayd

Feb 11, 2013 Hargeysa(Cadceed) – Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa maanta markii ugu hooreysay meel fagaare ah kaga warramay kiiska haweenayda u xidhan fariintii ay Massage [fariin] ahaanta ugu soo dirtay Mobile-kiisa kadibna ay arrimahaasi keeneen inay haweenaydaasi ku mutaysato in jeelka loo taxaabo,wasiirka Madaxtooyadu waxa sheegay sababta loo xidhay haweenaydaasi inay ahayd iyada oo Mobile-kiisa ugu soo dirtay eray ka cayda ka meeqaam sareeya isla markaana laf jab iyo meel ka dhacba ku ah isaga.Madaxweynaha,Marwadiisa iyo beeshooda ay ka sood jeedaan isaga iyo Madaxweyne Axmed Madamed Maxamuud Siilaanyo.

wasiirku waxa uu sidaa ka sheegay xaflad balaadhan oo lagu soo dhaweynayey ku soo biirista ururrkii Dalsan ee ku hadhay doorashooyinkii Dalwadaha hoose ee dahwaan lagu kala calaf qaaday Somaliland isla markaana ay wali ka sii muuqdaan Somaliland raadadkii ay ku reebeen tabashooyinkii ka soo baxay doorashooyinkaasi,Mr Xirsi waxa uu sheegay inaysan waxa ku qoran qoraalka ay haweenaydaasi u soo dirtay ahayn wax lagu sifayn karo cay oo kaliya balse ay yihiin wax ka sareeya isaga oo arrimahaa ka hadlayana waxa uu yidhi “maanta waxaan doonayaa oo aan madashab ugaga faa’iidaysanayaa arrimi waxbadan laga hadlayey baryahan oo dhan oo ah gabadha ku xidhan jeelka” ayuu yidhi Mr Xirsi.

waxaana markaliya is badalay dareenkii dadweynaha madashaasi fadhiyey oo aan isba lahayn waxa uu ka hadli doonaa arrimahaasi isaga oo arrimahaa ka hadlayana waxa uu yidhi “gabadhaa waxaa iga soo gaadhay massage fawaaxish ah oo aanan halkan ka sheegi karin wixii ku qoraa ama ay dhagihiinu maqli karaan balse cidii u baahataa waxay iyada oo qoraal ah ka heli kartaa xafiisyada hay’adaha ku shaqada leh ee garsoorka”waxaanu intaa ku daray “waxaa jira warar baryahaaba laysla dhexmarayey oo odhanaya Gabadhaa waxaa lagu xidhay gardarro oo warbaahinta si weyn loogu baahinayey” isaga oo arrimahaa ka sii hadlayana waxaa hadalladiisii kamid ahaa “gabadhaasi waxay iigu soo dirtay moobalyka wax aad iyo aad u foolxun oo aynaan odhan karayn waacay oo aniga wax iga sheegaya oo Madaxweynaha wax ka sheegaya oo Marwada wax ka sheegaya oo masuuliyiin kale wax ka sheegaya oo aan cay ahayn waayo cayda waxaa la yidhaadaa Aabahaa waxaa ku samee iyo baastar baad tahay iyo wax lamida balse tani waa mid lafjab ah oo wax ka sheegaysa CIRDIGA [NASABKA] aniga iyo Madaxweynaha iyo marwada iyo famillada ay ka soo jeedaan” ayuu yidhi Mr Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan isaga oo arrimahaa ka
siii hadlayana waxa uu yidhi “ arrintaa madoonayo inaan intaa dhaafiyo
markaa waxaan leeyahay saxaafadda waxaa lagu soo qoray warar badan oo
odhanaya waa la dulmay Gabadhaasi iyada oo aan la sugin wixii ay ka
yidhaadeen bahda garsoorka iyo cidii ehelka u ahyadi” ayuu yidhi
wasiirku balse waxa uu sheegay markii la xidhayey Nadra Maxamed Jaamac
inuu safar kaga maqnaa dalka balse markii uu soo laabtay uun uu ku
warhelay inay xidhan tahay Ms Nadra M axamed Jaamac isaga oo arrimahaa
kaa ka hadlayana waxa uu yidhi “runtii markii la xidhayey gabadhaasi
anigu dalka waan ka maqnaa balse waxaan soo laabtay iyada oo la
leeyahay waa la xidhay”

Wasiir Xirsi waxa uu sheegay inuusan saxaafadda kaga hadlin arrinta
kiiska u dhexeeya isaga iyo gabadha xidhan isaga oo gudanaya waxa uu
ugu yeedhay masuuliyaddiisa ka wasiir ahaan “majrin ilaa iyo hadda
inaa kaga hadlay arrintaasi Mediyada ilaa iyo hadda aadna waan isaga
ilaaliyey aniga gudanayey masuuliyaddayda si aan loo odhan wasiisku
hogaamiyey ama ay majara habaabiyey xukunmii dhacayey” ayuu yidhi Mr
Xirsi Cali Xaaji waxaanu intaa sii raaciyey “xafaddani waxay maanta ii
saamaxday inaan kaga hadlo arrimahaasi oo aan maanta filayo inay
Maxkamaddu go’aan ka gaadhidoonto wuxuu doonaba ha noqdee”
Mr waxaa kale oo uu sheegay jeelasha iyo maxkadaha waxa loo samaystay
inay yihiin in jeelasha lagu edbiyo dadka edabta daran waa sida uu
hadalka u dhigaye maxkamadahana lagu qaado danbiyada ay gaalaan dadku
isaga oo arrimahaa ka hadlaya waxaa hadaladiisii kamid ahaa “jeelasha
waxaynu u samaysanay in lagu edbiyo qofka Aadaabta daran sharcigana
waxaynu u samasyanay qofkii qaldama in lagu qabto” wasiir Xirsi waxa
uu sheegay inaanay ahayd in garab lagu siiyo qofku marka uu khaldamo
waxaanu yidhi “maaha in qofka garab lagu siiyo marka uu khaldamo oo
loo tilmaamo sidii inuu madluum yahay hadii aynaan ogolaalin qofkii
khaldama in la xidho oo sharciga la horgeeyo oo cadaaladda loo tago
maxaynu cadaaladda ku falaynaa”

“Jeelasha waxaa loo sameeyey qofka edab daroodaa inuu ku edabsado ee
maaha tacdiib ee maaha ciqaabkale oo qofkaa lagu cadaabayo,qofka waxaa
sameeyey fawaaxishka ah ee waliba ah qof dumara ee waxaa aan
tilmaamayey soo qortay-gabadhu waliba aniga iga wayntahay maaha inay
ilmayartahay maaha inay tahay qof aanu caqligeedu ku filayn dadka oo
dhan waydiiya runtii waxaa aad layaab u leh dadba arrimahaasi aadka u
buun buuniyey balse maanta maadaama meeshan [Hotel Maan-soor]
laysugu wada yimid oo reer Kulmiye oo dhami fadhiyaan oo laga yaabo
inay I waydiiyaan oo laga yaabo in laygu dhaliilo oo la igu yidhaado
saw adigaa xad-gudbay afka lagama dhawree waa lagama maarmaan inaan
cadeeyo arrintaasi aad iyo aad baadan u mahadsan yihiin waanan idin
salaamayaa” ayuu khudbadiisaasi kaga baxay wasiirka Madaxtooyada
Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Dhanka kalana sacabka iyo mashxaraddu sidaa umay buurrayn markii uu
wasiirku erayadaasi kaga hor khudbadaynayey dhagaysta yaashii
xafladdaasi balse way jireen sacab iyo qosal intuba loogu
marxabaynayey khudadda wasiirka iyo arrimahaasi uu fajaasay markii ugu
horeysay tan iyo intii jeelka loo taxaabay dhawaan Nadra Maxamed
Jaamac oo ah haweenayda Xirsi Moobaylkeeda uga dirtay fariinta uu
wasiirku ku tilmaamay inay laf jab kutahay isaga iyo Madaxwenaha iyo
reerkoodaba.

Cadceednews Hargeysa

Comments are closed