|

Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Oo Qiray Inay Jirto Khatar Amni Oo Aan La Dafiri Karin

Feb 11, 2013 Hargeysa (Cadceed) – Wasiirka Gaashaan-dhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami ayaa sheegay inay khatar amni daro Somaliland kaga soo fool leedahay Kooxaha Xag-jirka ah ee Al-shabaab, laakiinse ay dawlad ahaan qaadeen talaabooyin kor loogu qaadayo amaanka wadanka.

Axmed Xaaji Cali Cadami oo maanta la hadlay Warbaahinta waxa kale oo uu sheegay inay Digniinihii Dawlaha Reer Galbeedku ka bixiyeen amaanka Somaliland sii laba jibaareen kor u qaadista sugida nabad-gelyada, isla markaana Hay’adaha amaanka gudaha iyo kuwa difaacuba heegan culus ugu jiraan sidii ay uga hortegi lahaayeen firxadka Kooxaha Argagixisada ah ee ka soo firxanaya Dagaalka kaga socda koonfurta somaliya “khatar badanbaa jirta oo aan la dafiri Karin, waanu ognahay inay Kooxaha xag jirka ahi ka soo firdhanayaan koonfurta oo markaa ay soo aadayaan meel kasta oo amni ka jiro, markaa si waxaas looga hortago dawladu waxay samaysay talaabooyin amaanka kor loogu qaadayo oo Ciidamada oo dhan heeganbaa la geliyay, Digniintii Dawladaha Ingiriiska iyo Maraykankuna wuxuunbay inagu soo kordhiyeen foojignaan in la muujiyo waana la sameeyay”ayuu yidhi.

Dhinaca kale Wasiir Cadami, waxa uu fariin gaara u diray bulshada ku dhaqan deegaamada Bariga Sanaag ee kulaala Buuralayda Goliska ee ku teedsan Xuduuda Somaliland iyo Maamulka Puntland, halkaasoo beryahanba lagu sheegayay inay isku Uruursanayaan Dagaalyahano Al-shabaab ka tirsan oo badhkooda dhinaca Somaliya ka soo talaabeen, qaarna halkaasi ku jireen sanadihii ugu dambeeyay “Bariga Sanaag waanu ka warqabnaa dareen badanbaa jira oo Buuraha iyo dhulkaa waxbaa laga soo sheegayaa, laakiinse bulshada Gobolkaa ku dhaqan waxaan ugu baaqayaa inay caasimada iyo Gobolada kale ee dalka ku daydaan oo ay foojignaan dheeraada muujiyaan, Ciidamadana heegan la geliyo oo laga foojignaado wax kasta oo khatar xambaarsan, waxaanan leeyahay maaha inaad aragtaan Gaadhiga Raashinka sida ee waa inaad aragtaan oo aad qabataan ka Rasaasta iyo Hubka sida ee idin dhex maraya”ayuu yidhi.

Dhinaca kale Wasiir Axmed Xaaji Cali Cadami waxa uu markii ugu horaysay ka hadlay Khilaafka Madaxweyne Siilaanyo iyo ku-xigeenkiisa soo kala dhexgalay todobaadyadii u dambeeya, kaasoo uu ku tilmaamay arin la buun-buuniyay, balse sida la moodayo aan ahayn, waxaanu yidhi isagoo ka jawaabaya Su’aal arintaasi laga waydiiyay “khilaafka aad sheegaysaa waa mid adiga kugu kooban, waxaanan u arkaa in la buun-buuniyay oo siday wax yihiin laga kaxeeyay,meeshana hadii la shaqaynayo muran ama wada hadal wuu iminayaa, laakiinse wax khilaaf lagu sheegi karo maaha, mana jiraan qabaa anigu khilaafkaasi”ayuu yidhi

Cadceednews Desk

Comments are closed

Akhriso Wararkii U Danbeeyey