|

Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Oo Madax Wareer Ka Qaaday Arinta Saylac.

Feb 25,2013 Borama(Cadceed) – Iyada oo ay u eekayd in uu soo dhamaaday murankii iyo dhibaatooyinkii ay sobabeen doorashooyinkii golayaasha deegaanka ee dalku ayaa waxaa ay ahayd meesha kaliyahaata ee ay ku hadhay deegaan degmada Zaylac oo uu ka ay aqlabiyada xildhibaanada deegaankaasi ay ku guulaysteen xildhibaanada ka soo jeeda hayb ahaan Beelaa Gadabuursi ee iyagu ah deegaanka runta ah ee Goblada Awdal Salal iyo Gabilay, iyada oo ay ka guulaysteen xildhibaanada Beesha Ciise ee horay uu madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale uu u siiyay xilal badan isaga oo tix galinaaya Abtinimo.

Hadaba iyada arintaasi ahayd mid uu dadka u sheegay wasiir Duur in uu soo afjaray oo uu hawlahaasi soo dhameeyay ayaa waxaa haatan laga dareemayaa kala shiki iyo is hubaysi taasi oo ay beelaha deegaankaasi ka soo jeeda ee gadabuursi oo ah iyagu kuwa ku abtirsada ay haatan u eeg yihiin in ay gaadhay xiligii ay is dufaaci lahaayeen ee ay dhulkooda hooyo ka eryi lahaayeen gabi ahaanba Cadawga dadkooda iyo dalkoodaba.

Wasiirka arimaha gudaha Somaliland mudan Maxamed Nuur Caraale Duur waxaa uu u shaqaynaayay intii hore daacad iyo dhex-dhexaadnimo isaga oo ninka khaldana khaladkiisa tusaayay ka saxana ku taageeraayay ayaa waxaa uu noqday haatan mas laba afleh oo dadka iska horkeenaaya, walow ay dadbadani oo u dhuundaloola siyaada gudaha Somaliland ay sheegaayaan in uu wasiirku daacadnimadii ku badishay lacag cadaana oo uu rabo in uu ku noqdo siyaasi weyn.

Maanta ayay ahayd markii u horaysay ee ay 10 xildhibaan oo ka mida xildhibaanada golaha deegaanka ee degmooyinka Saylac iyo Lughaya ay halmar cadeeyeen inay iska casileen xubinnimadoodii golaha deegaanka ee degmooyinkaasi iyaga oo qaarkood sheegeen inay arintaasi ku khasbeen Nin ay sheegeen in uu u yahay Ugaas oo degan Magaalada Dirdhaba ee dalka Itoobiya,ayaa haatana aanay jirin wax jawaaba oo uu Wasiii Duur kaga hadlaayo arintaasi.

Si kastaba ha ahaatee waxaa isasoo taraayay maalmihii u danbeeyay xaalado laga yaabo inay keenaan amaan daro ba’an oo ku soo noqota Galbeedka Somaliland, xaaladaasi oo loo sobabaynaayo inay keentay kadib markii xildhibaanada iyo odaydhaqmedka beesha Ciise ay isugu tageen deegaanka Diridhaba ee ay filayaan inay ku yeeshaan shir ay kaga arinsanayaan guuldarooyinkii soo waajahay, walow geesta kalena ay jiraan ciidamo beeleedyo ka soo jeeda Beelaha Gadabuursi oo mudooyinkii u danbeeyay isku hubaysanayaayay deegaanada BAKI, LUGHAYA Iyo Zaylac, kuwaasina laga yaabo inay bilaabaan waxay inbadan ka xishoonaayeen oo ah amaandaro xoogan oo la soo darista Somaliland.

Warqabadka Cadceednews Zaylac.

Comments are closed