|

Umadi Waxay Dhisantaa Marka Hoosta Laga Soo Dhiso By Fuad Cabdi Ismaacil

Waxaan Salaamayaa umada Soomaliyeed oo dhan Gaar ahaan umada reer somaliland ,
aniga oo kasoo jeeda Gobolada Waqooyi ee Somaliya waxaan jeclahay inaan umada
somaliland ama Gobolada waqooyi ka soojeeda u soo bandhiga aragtidayda siyaasadeed ee ku aadan gooni iskutaag iyo sidaan u arko inay karoon tahay markaad eegto siyaasad ahaan. Waad ogtihiin arimaha siyaasadeed ee kajira somaliland iyo isbadalka aragtiyeed ee ay kaqaateen dawladihii reergalbeedka tusaale ahaan aqoonsiga maraykanku siiyay soomaliya oo ah talaabo ku tusaysa in loo baahan yahay in arimaha somaliland iyo somaliya laga wada hadlo si cadaalada oo xalaala. Oyna kujirin ninjeclaysi iyo qabiil jiclaysi toona Waayo sidaad ogtihiin waxaa kunool somaliland dad qabiil ahaan kaladuwan aragtida siyaasadeedna ku kaladuwan.waana midcaadiya oo dunida oo dhan kadhacda. laakiin midbaa umada oodhami is kaga midtahay taas oo ah in qabiil kastaaba uu rabo nolol iyo cadaalad ku salaysan walaalnimo iyo qadarin taana waxaa lagu elikaraa in laqadariyo lana dhagaysto aragtida qafka kale ama qabiilka kale. Si loo helo
cadaalad waarta.Waxaan aaminsanahay waqooyi iyo koonfur in cadaalad daro badani
dhacday kuna dhacday dadkii reerwaqooyiga ahaa sababta halahaadeen koonfuri oo
adeegsanaysay siyaasado aan aad laaga fikirin.

Laakiin ma aaminsani in cadaaladu tahay waan goosanaynaa waayo maaha jowaan taasi ( waan xanaaqoo kubadaydaan qaadanayaa uun baylamidtahay) waxaan aaminsanahay in cadaalad daro dambi si ayna udhicin waa in waqooyi marka hare daacad ka yahay waqooyi nimada cadaaladana isagu kudhaqmaa marka hore sidaa daraadeed waa in umada reer waqooyigu ama somaliland iyagu iska bilaaban, oo aanay waxwalba qaadan beesha dhexe, sida ay imika waxyihiin oo kale ee loo sinaado oo looqaybsado hogaanka si cadaalada xaga hogaan ka xisbiyada iyo jogooyinka dawliga oo dhan ,iyo hayadaha horumarinta oo si cadaalada uga wadashaqeeya horomarinta umadoodhan taasi waxay keenaysaa in shacabka somaliland oo dhami isku soo dhawaan karo ayna bilaabmi karto in kalsooni dhisanto oo umada somaliland oo dhan dhexmarta, sidaa daraadeed markaa uun baanan laxisaabtamikarnaa walaalaheen koonfur. Inagoo iskuduuban waqooyi ahaan Xaqeenana markaas baan helaynaa.

Fuad Cabdi Ismail
fuaddiriye5@yahoo.com

Comments are closed