|

Gudoomiye Ku-xigeenkii Hore Ee Degmada Borama Oo Jawaab Culus Dusha Uga Tuuray Siyaasi Reer Hargeysa Ah Oo Si Badheedha U Weeraray M/weyne Xigeenka Somaliland.

Feb 11,2013 Boram(Cadceed) – Siyaasiga weyn ee ka soo jeeda Gobalada Awdal Salal iyo Gabilay Mudane Muumin Gadiid Cumar ayaa si kulul uga jawaabay hadal dhawaan ka soo yeedhay siyaasi dhigiisa ah oo uu magiciisu yahay Axmed Goodir, kaasi oo war uu warbaabinta siiyay si kulul ugu dhaliilay M/Ku Xigeenka Somaliland Mud. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici, kaasi oo uu ku tilmaamay mid aanan haysan meeshiisii

Siyaasi Muumin Gadiid waxa isaga oo ka waramaya arintan uu yidhi “ Aniga oo ku hadlay magaca inta jecel midnimada, wadatashiga, gooni-isu-taaga iyo horumarka umada reer Somaliland, waxa aan u ragnaa Madaxwayne ku xigeenku inuu yahay nin dadka iyo dalka u daacad ah, jecel hormarka umada iyo illaalinta dastuurka iyo shuruucda dalka, waxa aan aaminsanahay in M/ku xigeenku uu yahay nin diinta ku fiican oo daacad ka ah inuu ka midho dhaliyo waxa loo soo doortay ee ah inuu umada cadaalad iyo sinaan ugu shaqeeyo, hormarka qabyada ahna hiigsado.

Isaga oo hadalka sii wata waxa uu yidhi Siyaasi Muumin Gadiid “ Waxa aan hadalka Goodir u aragnaa inuu yahay mid meel ka dhac ku ah Umada reer Somaliland masuul ay xil u dhiibteen oo ay wada jir u soo doorteen, Somalidu waxay ku maahmaahdaa qof wayn oo hadal ka dhacay waa geed qolofi ka dhacday, markaa ogolaan mayno hadaan nahay dadka reer Somaliland in dawladnimadii aan u dhimanay ee aan dhisanay ay dhinac u ciirto, oo ah sida uu doonayo siyaasi Goodir, kana yeeli mayno deelqaafka noocan ah, hadalo xajiin leh oo ka soo yeedhay qofwayna isaga ayay ceeb ku tahay, waxna u dhimi mayso sharfta M/ku Xigeenka oo ah sharafta umada reer Somaliland.

Madaxwayne ku xigeenku waa nin u taagan ilaalinta midnimada umada soo dooratay, waxa uu doonayaana waa in dastuurka iyo sharciga la ilaaliyo oo uu helo xaqiisa dastuuriga ah ee waxaan leeyahay ha laga daayo juqa-juqaynta, hadalada deel qaafka ah ee aanan meelna haysan ayuu yidhi Siyaasi Muumin Gadiid.

Isaga oo ugu dambayntii u ducaynaya Siyaasi Goodir ayaa waxa uu yidhi “ Waxa aan Eebe kaaga baryaynaa inuu ku tuso waxa ay arkeen Sheekh iyo Shariif, Rag iyo Dumar, Caruur iyo Ciroole ee aad adigu maqaalka ku qortay.

Cadceednews Desk.

Comments are closed