|

Siyaasad Xumadii Iyo Hagardaamadii Wasiirka Arrimaha Dibeda Oo Saamaysay Dadka Somaliland Ka Soo Jeeda Ee Ethiopianka Ah & Degaanadooda By Abdi Araale

Marka hore waxaan salaamayaa dhamaan umadda somaliland ee gudo iyo debedba, ka dib waxaan jeclahay in aan inyar deb u xasuusano cilaaqaadkii heer caalamiga ahaa ee ku dhisnaa walaaltinimada, iskaashiga, wax wada qabsiga, saaxiitinimada iyo jaarnimada ee ka dhaxeeyey labaatankii sano ee ina soo dhaafay somaliland iyo dalka aaynu jaarka nahay ee Ethiobiya. kaas oo dad badan oo caalamka ahi ku sifeyn jireen cilaaqaad laba dal oo afrikaan ah ka dhexeeya kii ugu wanaagsanaa, oo uu la mid yahay ka dawladaha caalamka ee hore u maray ka dhexeeya, aad iyo aadna ay ugu amaani jireen dawlada Ethiobiya iyo xukuumadihii kala danbeeyey ee somaliland xidhiidhkaa heerka sare ah ee ay samaysteen, ee ka sareeya ka dawladha soo koraaya.

Hadaba intii ay xukuumadan uu hogaamiyo madaxweyne siilaanyo xukunka somaliland la wareegtay, ee uu madaxweynuhu wasiirkan hada jooga u magacaabay wasaarada arimaha debeda, ayaa xidhiidhkii labada dal ee somaliland iyo Ethiobiya hoos u sii dhacaayey maalin walba maalinta ka danbeysey, waxa kale oo istaagay mashaariicdii inta badan labada dal ku soo tabceen, ee muhiimka iyo wax ku oolka u ahayd labada dal, doonayeena inay is dhaafsadaan si labada dalba uga faaiidaan, oo ay ugu muhiimsanaayeen kuwo ganacsiga ah iyo laydhkii quwada badnaa ee laga soo qaadaayey Ethiobiya ilaa gudaha somaliland, laydhkan iyo mashaariicdanba waxa la ogsoon yahay in uu joojey wasiirkani.

Hadaba waxay heerkii ugu xumaa xidhiidhka labada dal gaadhay maanta, oo la odhan karo waxa loo baahan yahay in lagu baraarugo, oo si heer qaran ah loogu hawl galo si loo badbaadsho xidhiidhkaa muhiimka u ah labada dal iyo labada shacabba. waxaana burburkan u sabab ahaa wasiirkan arimaha debeda, oo markii uu bil ku dhawaad ka hor tegey dalka Ethiobiya si uu ula kulmo madax ka socotay dalka Ingiriiska iyo qaar ka socday Ethiobiya wada hadalo sadex geesood ahaa oo ku saabsanaa argigixisadii ay ka digeen Ingiriisku, wakhtigaas ayuu wasiirku si gaar ah ula faqay waftigii Ingiriiska oo uu ka dalbaday in ay wada hadalka loo raro labada dal ee Jabuuti iyo Masar midkood oo ay dhexdhexaadiyaan, hadalka wasiirka ayaa waftigii Ingiriiska aad uga cadhaysiiyey, isla markiibana waxay u gudbiyeen dhinacii Ethiobiya, waxayna u raaciyeen in hadalka wasiirku u muuqdo in aanay kalsooni ku qabin dhinaca Ethiobiya, taas oo si aan la arag uga xanaajisay dawlada Ethiobiya, waxa kale oo waftigii Ingiriisku si cadho leh ugu sheegay wasiirka in wada hadalo la dhexdhexaadsho oo u dhaxeeya Ingiriiska iyo somaliland jirin, ee la soo gaadhsiiyey dalab ka yimid dawladaha waaweyn iyo hayadaha caalamiga ah ee la dagaalanka argigixisada, lana doonaayo in somaliland talaabo adag ka qaado rag argigixiso ah oo magacyadooda ay sideen lana filaayo in ay ku sugan yihiin gudaha somaliland, kuwii loo baahdana soo gudbiyaan. arintan ayaa sababtay in wasiirka arimaha debeda ee Ethiobiya qaabili waayo wasiirka oo dalbaday in uu arko, waxa kale oo isla markiiba soo hadlay dawladaha Jabuuti iyo masar oo si cad u diiday in dalalkooda lagu qabto wada hadalo caynkaas ah. waxay kaloo sababtay in safarkii madaxweynuhu ka wareego masar isaga oo ku socda kiiniya, markii danbena ka leexdaan.

By Cabdi Caraale
arrale2011@hotmail.com

Comments are closed