|

Silaanyo: Habar Yonis Ma Geydo Gaashaanle Dhexe By Luula Abdi

Salaan qiima le iga gudooma warbaahinta sharafta le: Silaanyo gun baad tahay ee Habar Yonis ma geydo gaashaan le dhexe. Silaanyo wuxuu bixiyey 11 sareeye Gaas iyo sareeye Guuto oo ka 12 naad wuxuu ka dhigey gashan le dhexe oo HY ah.

Hadaba Habar Yonis silaanyo ciyaarta wey la garaneysaa oo kamay fileyn sareeye Gaas ee waxa se wax aad loola yaabo ah maanta isaga oo reero badan ay qoorta isugu jiraan sida beesha Arab oo doorashadii na la dhacay dad na laga laayey, iyo Ciise Muse oo ay ku kala fogaadeen Mayor kii Berbera, Sacad Muse oo ay soo kala boodeen markuu waabeeyo soo kireystey ee uu yidhi ku dhawaaq in aan cid kale isla key sharaxeyn iyo ciidagale oo awalba ku kacsanaa iyo samaroon oo kursigoodii madaxweyne ku xigeenka laga sii riixaayo, in uu maantana Habar Yonis oo aad u taqaan halka Silaanyo lagu dhufto uu isku soo jeediyo waa yaab.

Silaanyo waa ninka 5 wefti u direy Zielac isagoo le ka noqda doorashadii oo Mayor ka ciise siiya. Sababta uu sidaa u yidhi wax kale maaha ee Banka dahabshiil ayaa loo baqay in ciisaha Jabouti dhaco oo lagana xidho.

Horta caqliga madaxweynuhu waa ka siiyey qudbadii sanadka Xaqsoor iyo Xassan isse ba reeb ururadii kalena hambalyo u dir.

Ceebaha Silaanyo maalin walaba ka sameeyo Somaliland lama koobi karo waxa ka mid ah oo xaqiiq ah in uu soo wato in beesha Samaroon daaqada laga saaro oo dhulbahante lagu bedelo, oo waakaa maantaba doonaya in distoorka lagu daro in uu madaxweyne ku xigeen labaad isagu magacaabi karo.

Cajiib!!! Marwadiisu 3 million oo dollar bay ka qaadatay lacagtii Kuwait Airports ka ku caawisey. Wasiirka duulistuna 2 million buu ka qaatay.

Berbera, cerigabo iyo ceel afweyn doorashadii iyagana fara ayuu la galay waxba se uugamay suurta gelin. Waxaan kaga baxayaa Silaanyo wuxuu reer walba isugu soo jeedinayo lama garan karo oon ahayn in aannu fayoobayn. Silaanyo Habar Yonis aqoon isugu dhimani ma jirto ee alylehe bagay beelaha kalena is barteen. Silaanyo waxaan leeyey cidna maad xishmeyn berina xukunka waad ka degeysaa, ingiriiska dacwad Europe oo dhan lagaa soo qaban karo ayaa kuu taala, halkeed damacdey in aad ku dambeyso ileyn diidey sharaftii e.

LuulaAbdi
LuulaAbdi@yahoo.ca

Comments are closed