|

Siilaanyo Wuu Ku Fashilmay Siyaasada Dibedda Iyo Ta Gudahaba By Abdiaziz Abdilahi Omar.

Iyadoo shacabka Somaliland ku naaloon jireen in waxa keliya ee ay haystaan tahay nabad-gelyo ayaad moodaa in nabadii ay faraha kasii baxayso taasi oo ay ugu wacan tahay xukuumada siilaanyo iyo xisbul-xaakimka oo maray dariiq jar iska xoornimo ah oo ay ku dhaawaceen nabadii ay shacabku sameysteen ee ay ku fara adeygayeen.

Ilaa maalintii uu Siilaanyo qabtay hogaanka dalka waxaa wadanka soo wajahayey dhibaatooyin ah nabadgelyo xumo iyo xaalad abuur ka imaneysey dhinaca xukuumada oo madaxweynuhu ka kow yahay.

Xukuumada Siilaanyo oo ah mid aan madax iyo manjo kala lahayn oo aad moodeyso mararka qaarkood in wadanku madaxweynayaal farabadani ka taliyaan ayaan iyada lafteedu iska war hayn oo aan lahayn goob gaara oo xukunka dalku ka soo fulo.

1-Siyaasaasada Arrimaha Gudaha ?. ee somaliland ayaa ahayd mid daalaa dhacaysa oo aan sugnayn taasi oo ay ugu wacan tahay dadka uu madaxweyne siilaanyo u xushay arrimaha gudaha ee dalka oo aan cilmigeedii lahayn isla markaana ah dad aan waayo aragnimo lahayn oo aan garanayn shaqada loo magacaabay iyo baaxadeedu inta ay le?egtahay waxaa shacabka somaliland tebeyaa Wasiirkii hore ee jagadaasi hayn jirey oo ahaa nin ku takhasusay arrimaha Nabadgelyada Gudaha waa Wasiir Ciro.

Markii la Waayey Haykalkii shaqo ee Arrimaha gudaha ee qarankani lahaa ayey nabadgelyadiina faraha ka baxday iyadoo aad arkaysaan dhibaatada ka taagan amaan darada caasimada hargeysa,gobolka Awdal,Gobolka Selel,Gobolada Bariga oo dhan iyadoo dad badan oo reer somaliland ah ay xukuumadu ku leysey meelahaasi aan soo sheegay oo dhan.

2-Siyaasada Arimaha Dibedda ?..Shacabka Somaliland iyo beesha caalamkuba waxay la yaaban yihiin halka ay ku danbeysey siyaasadii arrimaha debeda ee somaliland xitaa wadamada deriska ah ayaan aqoonba cida ka masuulka ah Siyaasadda arrimaha debeda ee somaliland,waxaa shiiqday ama gudhayba magacii somaliland ku lahaan jirtey wadamada deriska ah iyo beesha caalamkaba taasi oo ay ugu wacan tahay dariiqa qardajeexa ah ee xukuumada siilaanyo u martay siyaasada arrimaha debeda oo aan ka turjumeyn rabitaanka shacabka somaliland iyo saaxiibada somaliland caalamka ku lahaan jirtey xukuumada siilaanyo ka horeysay. Xitaa waxaa inaga tegey oo dhabarka inoo jeediyey Kooxdii baarlamaanka ingiriiska ka tirsanayd ee u ololeyn jirey madaxbanaanida iyo qaranimada somaliland.

Siyaasada arrimaha debeda ee somaliland ayaa ah mid fadhiida oo aan jirinba waxaana hubaala wasiirkii siilaanyo u magacaabay wasaaradaasi iyo wasaarada lafteediiba inay isla degeen wasaaradiina in ay ku soo koobantay shandad yar oo ninka wasiirka ka ah wasaaradaasi uu meelahaasi la carcararo.

Waxaa dhab ah oo qof kasta oo Somalilander ihi ogyahay oo u cadaatay in xukuumada Siilaanyo dayacday lumisayna siyaasadii arrimaha Gudaha iyo debedaba ee loo igmaday,waxayna xukuumada siilaanyo cagta saartay dariiqii guuldarada iyo habowga.

Abdiaziz Abdilahi Omar.

abdiazizao@gmail.com

Comments are closed