|

Shacabka Reer Jabuuti Oo Maanta U Dareeraya Doorashada Baarlamaanka & Goobjoogayaal Caalami Ah Oo Isha Ku Haya

Feb 22, 2013 Jabuuti (Cadceed) – Doorashada baarlamaanka dalka Jamhuuriyada Jabuuti, ayaa loo dareerayaa 22-ka bishan February oo ku beegan maanta oo Jimce ah.

Doorashada baarlamaanka Jabuuti oo ay ku tartamayaan saddex xisbi siyaasadeed oo laba Mucaarad yihiin, kan sadexaadna uu yahay kan talada haya oo ay ku bahoobeen dhowr urur siyaasadeed ayaa waxa shalay la soo gabogabeeyay ololihii doorashada oo soo socday in muddo ah.

Doorashadan ayaa waxa ka qayb-galaya xisbiyada kala ah, Isbahaysiga aqlabiyada Madaxtooyada Jabuuti (UNP) oo uu hogaamiyo Madaxwayne Ismaaciil Cumar Geelle, Isbahaysiga midowga Mucaaradka (USN) oo hogaamiyo siyaasiga mucaaridka ah ee dhowaan dibedda ka soo laabtay Daahir Axmed Faarax (Daaf) iyo xisbiga CDU oo dhawaan la aasaasay isla-markaana uu hogaamiye ka yahay siyaasiga mucaaridka ah ee Cumar Cilmi Kheyrre.

Kuraasta baarlamaanka dalka jabuuti ee loo tartamayo ayaa dhan 65 kursi, waxaana 35 ka mid ah laga soo dooranayaa Caasimada Jabuuti, halka 30ka kalena gobollada kale ee Cali Sabiix, Carta, Dikhil iyo Obokh laga soo dooran doono.

Doorashadan, ayaa waxa ka qayb-galaya oo dusha kala soconaya goob-joogayaal ka kala socda IGAD, ururka dalalka Islaamka, midowga Afrika, Jaamacada Carabta iyo goob-joogayaal maxali ah, kuwaasi oo la socon doona sida doorashadu u dhacdo.

Maanta ayaana si toos ah shacabka reer Jabuuti ugu dareeri doonaan doorashadan, oo sanadkan Mucaaradku ololeheedii loo ogolaaday inay TV-ga dawladda ka baahiyaan waqti la siman kan xisbiga taladda haya.

Cadceednwes Desk

Comments are closed