|

Madaxweyne Siilaanyo Oo Soo Bandhigay Qorshe Uu Ku Doonayo In Dalku Yeesho Laba Madaxweyne-Xigeen Iyo Qaabka Wax-Ka Beddelka Uu Guurtida La Doonayo

feb 2, 2013 Hargeysa (Cadceed)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa soo bandhigay qorshe uu ku doonayo in dalku yeesho laba madaxweyne-xigeen oo kala ah madaxweyne xigeenka koowaad iyo madaxweyne xigeenka labaad.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo khudbaddiisii arbacadii dhoweyd 31ka Jeenaweri ee labada gole ku caddeeyey in uu soo codsan doono in dastuurka Somaliland la furo, ayaa caddeeyey in ujeedada furitaanka dastuura uu u doonayaa ay tahay in la kordhiyo tirada madaxweyne ku xigeennada Jamhuuriyadda Somaliland iyo in xildhibaannada golaha guurtidu ay ku yimaaddaan cugasho ee aanay doorasho ku iman.

Nuqulka Ingiriisida ah ee khudbaddii uu madaxweyne Siilaanyo ugu talogalay labada gole, oo ay nuqul ka mid ah madaxtooyadu u soo dirtay saxaafadda, ayaa uu madaxweynuhu ku yidhi, “Kadib markii aan tixgeliyey danteenna guud iyo baahida loo qaabo in la xoojiyo midnimadeenna qarannimo, waxa aan soo jeedinayaa, in aynu wax ka beddel ku samayno qaab-dhismeedka waaxda fulinta ee dawladda” Madaxweyne Siilaanyo oo sii toos ah u taataabanayey qodobbada uu sida cad u doonayo in wax ka beddel lagu sameeyo ayaa hadalkiisan qoraalka ah oo uu Wargeyska Geeska Afrika Afka Soomaaliga u rogay ku yidhi “In aynu samayno, madaxweyne ku xigeenka 1aad iyo madaxweyne-ku-xigeenka 2aad” Waxa aanu ku sababeeyey codsigiisan, hadallado ay ka mid yihiin, “Waxa aan aamisanahay in is beddelkani uu sees isu dheelli tiran u noqon doono tiirarka dhismaha qarankeenna”

Dhinaca kalana waxa uu madaxweyne Siilaanyo qoraalka khudbaddiisa ee Afka Ingiriisida ku caddeeyey in qodobka labaad ee uu is beddelka la doonayaa uu yahay dhismaha golaha guurtida iyo qaabka ay xildhibaannadiisu ku imanayaan, isaga oo ku faanay in golahan uu bilowgiisa horeba isagu fikirkii lagu dhisay lahaa (Xilligii SNM uu hoggaaminayey), isla markaana hoosta ka xariiqay kaalinta muhiimka ah ee uu goluhu ku lahaa guushii laga gaadhay halgankii madax-bannaanida Somaliland lagula soo noqday, isla markaana sheegay in ay illaa hadda faa’ido taas hore la mid ah u leeyihiin qaranka.

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu soo bandhigay qaabka uu doonayo in ay Guurtidu hadda kadib noqoto oo ah:

1. Si dadka laga tirada badan yahay ay Golaha ugu lahaadaan xildhibaanno metela waa in golaha la soo xulo oo aanu doorasho ku iman.

2. Boqolkiiba 40 xildhibaannada waa in ay noqdaan odayaasha dhaqanka iyo hoggaamiyeyaasha diinta. Boqolkiiba 30 waa in ay noqdaan aqoon-yahan haysta shahaadooyin heer jaamacadeed ah isla markaana leh waayo-aragnimo ugu yaraan 30 sano ah

3. Dhammaan madaxweynayaasha, madaxweyne ku xigeennada, afhayeennada golaha baarlamanka, guddoomiyeyaasha guurtida, guddoomiyeyaasha maxkamadda sare, ee dhammaantood xilka ka tagaa waa in ay golaha ka noqdaan xubin buuxda oo xubnaha kale la mid ah, oo aanay ahaan xubin sharafeed sida ay hadda yihiin.

Sida uu madaxweynuhuba ku caddeeyey qoraalkiisan, qodobbada 126 iyo 127 ee dastuurka jamhuuriyadda Somaliland ayaa u fasaxaya in uu golaha baarlamanka ka codsan karo kaabid ama wax ka beddel lagu sameeyo qodobbada dastuurka qaybo ka mid ah, kadib marka uu la tashado golihiisa xukuumadda, saddex meelood meel golaha guurtida ah iyo saddex meelood meel golaha baarlamanka ah, waxa aanu dastuurku dhigayaa in dalabka noocan ah uu golaha wakiilladu u codaynayo in loo baahan yahay iyo in kale, marka uu arko in loo baahan yahay kadib ay golaha Guurtida iyo golaha Wakiilladu ka doodayaan muddo laba bilood ah, kadibna waxa ay ku ansaxaysaa saddex meelood laba tirada guud ee gole kastaa isaga oo gaarkiisa ugu codaynaya.

Haddii dalabka wax-ka-beddelka ama kaabista dastuurku tiradaa ka waayo labada gole ama midkoodna halkaa ayaa lagu joojinayaa, madaxweynuhuna dib uma soo celin karo soo jieedintaa illaa 12 bilood ka soo wareegaan dalabkiisaa hore.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa khudbaddii afka Soomaaliga ee uu labada gole ka hor akhriyey ka reebay sharraxaadda nooca uu yahay wax-ka-beddelka dastuurka ee uu dalbanayo, isla markaana xarunta madaxtooyada ayaa qodobadan ka reebtay nuqul afka ingiriisida ah oo ay mar dambe soo dirtay, arrintaas oo dhalinaysa su’aalo badan oo la xidhiidha sababta keentay in madaxweynuhu dib u dhigto qeexidda dalabkiisa. Hase ahaato ee waxaa jira warar la isla dhex marayo oo tilmaamaya in arrintan gaar ahaan qodobbada khuseeya soo kordhinta xilka madaxweyne ku xigeenka labaad uu aad uga hor yimi madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici iyo xubno ka mid ah golaha wasiirrada ee madaxweyne Siilaanyo, arrintaas oo xaqiiqadeedu soo bixi doonto bilaha yar ee foodda inagu soo haya marka uu madaxweynuhu dalabkiisa dhabta ah golaha hor keeno. Dhinaca kalana waxaa jira dad badan oo aaminsan in soo kor-dhinta xilka madaxweyne-ku-xigeenka labaad uu madaxweynuhu ka leeyahay ujeedo la xidhiidha doorashooyinka madaxtooyada oo u eeg in uu mar labaad isu soo taagi doono, iyo ujeedo kale oo ah in lagu abaal mariyo xubin madaxweyne Siilaanyo u arko in ay kaalin wax ku ool ah ka soo qaadatay nabadaynta gobalada bari ee Somaliland.

Wargeyska Geeska Afrika

Comments are closed