|

Madaxweyanaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud Oo Magaalada London Kula Kulmaya Ra’iisalwasaaraha Dalka Ingiriiska

Feb 01,2013.London(Cadceed)-Ra’iisalwasaaraha dalka Ingiriiska  David Cameron, ayaa  lagu wadaa in  uu Magaalada London ku qaabilo  Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo gaadhay  halkaas.

 Labada hogaamiye ayaa lagu la filayaa in ay ka doodaan ajandaha shirka arrimaha Soomaaliya lagaga hadlayo ee Magaalada London ka dhacaya bishi May ee sannadkan  oo si wada jir u guddoomin  doonaan

Inta uu socdaalka ku joogo Magaalada London waxa uu  Madaxweynaha Soomaaliya codsan doonaa   taageero dhanka dhaqaalaha oo ay ku shaqayso dawladiisa oo ku tiirsan gargaarka ay ka hesho beesha caalamka

 Ingiriiska ayaa wada dadaalo uu ku taageero mamaulka Federal-ka Soomaaliya,iyada oo aan la ogayn ujeeda ka dambaysa , maadaama oo aanu saamayn hore ugu lahayn xaalada siyaasadeed ee wadankaas.

 

Cadceednews London, Uk.

Comments are closed