|

Kulan Lagu Wada-hadalsiinayo Somaliland Iyo Dowlada Ingiriiska Oo Ka Furmaya Dalka Jabuuti


Feb 3, 2013 Hargeysa(Cadceed) – Wefdiyo ka kala socday Somaliland iyo dowladda Ingiriiska ayaa magaalada Addis Ababa ee dalak Itoobiya ku leh kulan howleed ay kaga wada xaajoonayaan digniintii ay dowladda Ingiriisku ka soo saartay dhawaan ammaanka Somaliland.

Kulanka oo la filayo inuu saacadaha soo socda u bilaabmo labada dhinac, waxa dhinaca Somaliland uga qeybgalaya wasiirka arrimaha dibadda Maxamed Cabdillaahi Cumar iyo taliyaha sirdoonka maamulkaasi Jaamac Maxamed Bootaan, kuwaas oo dhawaan u ambabaxay magaalada Jabuuti, halka ay dowladda Ingiriiskana uga qeyb geli doonaan safiirkooda u fadhiya magaalada Addis Ababa iyo saraakiil kale oo ka iman doonta magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaa la filayaa inay kulankaas Somaliland ku weydiisato dowladda Ingiriiska faahfaahin la xiriirta digniinta amni ee ay bixisay oo ay xukuumadda Somaliland sheegtay inaanay waxba ka jirin.

Safiirka dowladda Ingiriiska u fadhiya Kenya oo qaabilsan Soomaaliya Danjire Matt Baugh ayaa hore u sheegay inuu ka mid yahay mas’uuliyiinta bixiyey digniinta, waxase uu sheegay inay wadahadal la leeyihiin Somaliland.

Xukuumada Somaliland ayaa welwel weyn ka muujisay dhawaaqaas ka soo yeedhay Dalka Ingiriiska, Kaasoo ku soo beegmay maalmo kadib markii dawlada maraykanku dib u soo celisay kalsoonidii ay ku qabtay dawlada Somaliya isla markaasna siisay aqoonsi caalami ah oo u horseedi kara inay u furto albaabo badan.

Si kastaba ha ahaatee waxaa la filayaa inay labada dhinac kulankooga xal kaga gaadhaan aragtidooda kala duwan ee la xidhiidha digniinta Ingiriiska ee khikiga gelisay amaanka Somaliland.

Bile Yusuf Maxamed
Cadceednews London

Comments are closed