|

Jawaab Ku Socota Ninkii Yidhi “Reer Awdal S/land Daacad Kama Aha, Somaliweyna Waxba Ka Noqon Maayaan, La Iskuna Joojin Maayo. By Mohamed Muumin

Waxa salamaya warbaahinta madaxa banaan guud ahaan gaar ahaana
shabakadan Cadceed oo hubaaltii dadka ka haqab-tirtay wararkii
dalka iyo dibadba,sidoo kale dhexdhexaad u ah dhamaan cidkasta oo waxa
ay tabanayso ama cadhadeeda usoo gudbisa warbaahinta. Marka xiga waxaa
aan rabaa inaan u caqli celiyo wiilkan yar ee wax uuna garaynayn wax
ka qoray ee doonaya inuu ku magac doonta aflagaado dad maamuus iyo
sharaf ku dhex leh bulshada Somaliland. Sxb xoriyada qoraalku maamin
in taariikhda laga been sheego oo sida aad rabto iyo waxa uurkaaga ka
buuxa dadka taariikh uga dhigto waa laga fiicanyahay.Sxow horta inta
aanad cinwaan dooran marka hore aad wax usoo akhri yayna ku qaadin
caadifad,cuqdad iyo tiritirid dad gumaystihii u qiray in wacyigoodu
iyo garaadkoodu soo jeedo meel dheerna gaadhsiisanyahay.

Sxb aan ku baree dadkan Reer awdal waa dadkii marka laga yimaado sidi
wadaniyada iyo Islaanimadu ku jirtay ugu ogolaadeen inay heshiis
lagalaan gumayste qoryashaal badan dusha ku wata, waa dadkii
Somaliland oo isk wada haysta gurmad ka soo bilaabay galbeedka dalka
si dadka iyo dhulkuba iskugu furmaan oo si nabad ah la iskugu gudbo.

Waa dadkii horkacayey shirkii gooni-isutaag Burco. Waa dadkii bixiyey
erayga ah “dib ula soo noqosho xoriyadii inaga luntay 1960kii. Waa
dadkii maalkooga,caqligooda iyo geesinimadooda ku qabtay shirkii dib u
heshiisiinta beelaha walalaha ah ee dhamaan somaliland uga furmay
Borama,shirkaas oo socday mudo ku dhaw 6 bilood. Waa dadkii doorbiday
wixii in beelahan is wada haysta lagu naasnuujiyo maamulka dalka. Waa
dadkii hormuudka ka ahaa soo af-jarida shidadii ka taagnayd
magaalooyinka Berber,Hargeysa iyo Burco .

Waa dadka markii dadkooga gaadmo lagu dilay iyaga oo hurda ka aqbalay
wafdiyii odayaasha ahaa ee loo soo diray iyaga oo saacado gudahood
aarsi iyo xasuuq samayn karayey.

Sxbow hadii aad tidhi Somalia waxba kama aha.kkkk.dhamanteen waxba la
iskam dhaamin oo hal iyo labo wasiir ayuunbaa la kala ahaa. Colaad
haday noqotana dee sawta cid walba warka haysa in 1988-1991 jabhadii
jilib reer oo soo dhaafi lahayd kuna qaadatay inka badan afar sano
markii danbena ciidamada Ethiopian ah kaalmadooda ku soo galay
subixiina cabsi darteed uga guuray. Sxbow ma jecli inaan dagaal ooge
noqdo laakin hadalada adiga ayaa iga keenaya marka aad dad kaa cilmi
iyo waayo aragsan masaaxad kala dabo tagtid.
Waxaan ku soo gunaanadayaa cida wax qoraysa waxa ha iska hubsato inta
hadhaw calaacal meesha iman.

Waa qalinkii; Maxamed mumin
Xaqdoor2020@gmail.com

Comments are closed

Akhriso Wararkii U Danbeeyey