|

Jacylkii Layga Hantiyay, Qormadii 2aad W/Q: Abdikhaliq Mohamed Cilmi

Sugaysay balse waxay ku aragtay hal message dagdag ayay ufurtay ma aysan eegin numberka soo diray marka hore waxay akhriday wax ku qornaa oo ahaa (si aan kuugu sheego ayaan garan la’aaa) waxay mooday in inankii ku leeyahay inaguba si aan jacaylka kuugu sheegto ayaan garan la’aa aad ayay u faraxday balse nasiib daro numberkii markii ay eegtay waxay noqotay saxiibadeed kawser oo u sheegi rabtay wax balse aan message ka u soo wada dhamayn waxay ku tidhi inta ay numberkeedii garaacday sxb maxaad ka wadaaaa maxaad se ii sheegi rabtay? Sxb tee waxay ku tidhi si aan kuugu sheego iyo meel aan ka bilaabo ma aqaano walhi arinkan sxb inanka axmed yassin mudo badan ayaan wada soconay in badan ayaan wada sheekaysanayn hadii aad hore iigu sheegi lahayd sxbtay qaaliya ayaad tahay waan kaaga hadhi lahaaa adiga ayaan kuu dayn laha jacyl lamaan sameeyeen waliba jacyl way dhaaftay waxan ku balan sannahay 14 February in aan is mehersano naxdin,caloolyo,dhidid iyo qaraqan ayaa dilay inantii carabkii ayaa qalalay afkii ayaa talax gabay hadalba wuu ka soo bixi kari wayay waxay samayso ayay garan wayday waxanay ugu jawaabtay iyo waliba aad uga xun sxb waa iska caadi qofkastaaba wax uu calaf ku leeyahay ayuu helayaaa hadii aanu calafkaygii noqon uu noqday adiga kaagii waa caadi sxb labadeenu waxba ma kala nihin hal ayaynu nahay wayo dad sxb ah ayaynu nahay marna wallo ah kawser oo aad uga xun ayaa tidhi sxb waan ka xumay inan kaa qariyo way iga ahaan wayday waxay ugu jawaabtay sxb waa caadi isku waara insha allaah haye ayay ku tidhi sxb waad mahadsan tahay markii ay teleefonkii dhigtay iyadoo waliba aad u murugsan ayay ku war heshay message soo galay mobile keeda way iska ilowdayba in ay abdikhaliq message u dirtay markii eegtay waxaa soo diray axmed yassin waxanu leeyahay(wallo iga raali ahow xalay ma kuu soo jawaabin hore ayaan u seexday wallo jacylka in la isku qaadaa waa wax fican inaga inta aad iisheegatay waad ku mahadsan tahay qalbigaygana wanaag badan ayaan kuugu hayaa balse inanta aad sxbka tihiin ee kawser ayan wada wada sheekaysanaa sheekadaydu waxay maraysaa hada guurba oo waan is aroosaynaa) hadalkiisii inta ay akhrisan kari wayday ayay ilmo meel ay ka timid aanay garanayn ayaa ka soo yaacday wax u soo gashay inan iyada ka yarad waxanay ku tidhi wallo maxaa kugu dhacay dagdag inta ay iskaga tirtay ilmadii ayay ku tidhi wllo waxba igumay dhicin markii ay gaadhay wakhtigii ay tagi jirtay school ayaa wax lagu yidhi miyaanad saaka tagay waxay ku tidhi may ma tagaayo waayo waxay ogtahay wajiyada meesha kaga horeeya dhalaan dhaawac gaadhay

dhaqdhaqaaqi maayoo

dhulkuu jiifiyaaa

dhawacbaan ahayooo

dhiigiibaa I socda

rabiyoo dhibaatadan I haysa

dhan uun iiga qaad

midhaha kor ku qoran waxay agteeda ka noqdeen qaar xusuus wayn ku reeba jacaylkuna waa kan markasta kuu daara film cusub ee marba dhinic kuu roga ee markii hore adigoo ahaa qof hadalkiisa xikmadaysan laga faa’iidaysto kaa dhigay mid laga riwaayadsado waxanay isku canaanay hoogtay maxaad mar hore u sheegan wayday jacaylkaaga waxaan isku sii leedahay waxba ha walwalin hana walaacin waxaad kala simantahay hablo kaa horeeyay oo jacaylkoodii iyagoo arkaaya laga horqaaday ama waayay inantii saddex cisho guriga kama aysan soo bixin waxa ay ku jirtay xaafadooda waxaanay ku tidhi qoyskeeda waan xanuunsanayaa halkee ayaa kiin aan jirin ka dalbanaysaa marna leedahay madaxa marna beerka ayaa I xanuuna hooyadii dhashay inan way warwarsan tahay maxaa ku dhacay ayay leedahay wax hadba dhici u dhaqaaqdo hooyadii dhashay inantu aakhirkii waxay ogaatay in inanteeda jacayl hayo waliba ay jeceshay abdikhaliq oo ah inanka ay jaarka yihiin ee uu dhalay odayg hebel ahaa, hooyadii inanta dhashay wax ay sanayso ayay agran wayday iyadoo maskaxdeeda ay ku jirta in ay u tagto oo ay u sheegto arinta ay u socoto si inanteedu dhibka uga baxdo daqiiqado waxay ogaatay in willka meherkiisii dhacaayo bari dab ayay isku qabatay waxaanay niyada ka tidhi adigoo ka talinaaya caafimaadka gabadhaada miyaad reer dhismaaya burburin doontaa maya ayay niyada iska tidhi waxay go aan satay in ay inanteeda u dirto wadankale si ay niyadeedu u dagto najma waxaa loo diray wadanka south Africa oo ay hada joogto….dhamaad

contect

Abdikhaliq Mohamed cilmi

tell: 00252 24 443515

abdikhaliqcmc@hotmail.com

Comments are closed