|

Halqabsiga Hablihii Hore Ee Reer Saylac “Suleex Madar Baan Ku Moodaayee Salaantaba Kaama Qaadeen” Qormaddii 2aad. By: Abdirisaq Mohamed Barkhad

Suleex Madar Xoosh intii ka horreysay xornimadii dalka Soomaaliya oo ku beegan bartamaha sannadkii 1960kii isagga iyo dhalinyaro ay ka mid ahaayeen Dr. Xuseen Sayre AUN, Daahir Cilmi Dool AUN iyo Goodir waxa ay ku jireen kooxda looga hadhey degmada Borama ciyaarta loo yaqaanno Kucusta Xeegada oo immika ka dabar go’dey Waqooyiga dalka Soomaaliya balse maanta aad looga ciyaaro dalal ka tirsan dunidda horumartey oo ay ka mid yihiin UK iyo USA.

Ciyaartan waxaa wakhtigaas lagu ciyaari jirey garoonka weyn ee ka hor jeeda saldhiga dhexe ee degmada Borama waxaanna galabtii halkaas soo safan jirey koox cadaan ah oo ka tirsan gumeystaha Ingiriis ee dalka haystey iyo kooxda reer Borama ee uu ku jirey Awoowo Suleex Madar Xoosh.

Sidda uu mar hore iigu waramey Aabbo Mohamed Barkhad Miigane oo yaraantiisii wakhtiga galabtii u daawasho tagi jirey ciyaartaas maadaama uu xaafad ahaan garab deganaa garoonka lagu ciyaari jirey kucusta Xeegada waxa uu ii sheegey in sannadihii u dhexeeyey 1950kii illaa 1960kii Awoowo Suleex Madar iyo kooxda uu ka tirsanaa ay wakhtiga xagaagii ka qeyb geli jireen wareegyo waa weyn oo ciyaarta Kucusta Xeegada ah wareegyadaasi oo lagu qabban jirey garoon loogu tallagey ciyaarta Xeegada oo wakhtigaas ku yaalley xaafada Bureeqa ee magaalada Cadan oo ka tirsan wadanka Yemen isla markaana wakhtigaas ku hoos jirey Maxmiyadii Ingiriiska.

Sannadkii 2008 ayaa maalin maalmaha ka mid ah Xaaji Axmed Miisaan oo ka mid ah waxgaradka reer Awdal uu gabadh u doonney wiil uu adeer u yahay oo uu waliba dhaley Ina abtigii ruma dabadeedna markii la isugu yimmid goobtii xafladu ka dhaceysay oo aheyd Rays Hutel ayaa Xaaji Axmed Miisaan kalmadii waydiisashada gabadha oo isaggu wakiilnimadeedda lahaa uu ku sharfey Ina adeerkii Suleex Madar Xoosh oo garabkiisa midig fadhiyey kadib markii uu Suleex Madar sara joogsadey ayuu yidhi “Waxaan u soconaa arrin dhaqan oo illaa Xaawo iyo Aadan soo jirtey waxaannan si sharaf mudan idin waydiisaneynaa in aad na siisaan Raxma Yuusuf Yoonis Ceelaabe oo aan u doonneyno Cabdinaasir Axmed Modoobe”.

Gabadha waxaa bixinayey Suldaan Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal oo ka mid ah salaadiinta waa weyn ee gobolada Awdal iyo Salal dabadeed markii uu Suldaan Dhawal sara joogsadey ayuu hadalkiisii ku billaabay “Horta maanta marna waan farxey marna waan naxey” Waan farxoo waxaan ku farxey in Suleex Madar Xoosh oo ka mid ah cabqariyiintii hore ee reer Awdal gabadh I waydiisto taas oo sharaf iyo maamuus aan ku faanno ii ah, waannan naxoo waxaan ka naxey Suleex Madar Xoosh oo aan wadda garaneyno in uu dadkii hore ee reer Awdal ka joogo oo aannan waayaha nolosha ka fileyn in aan isa soo hor fadhiisan doonno maadaama aan taariikhdiisa faca weyn leh ee ilbaxnimada iyo xadaarada leh aan sheeko uun ku hayey maantana aniga ayaaba isku qaatey in aan isu gado nahay Suleex Madar Xoosh.

Dhanka kale waxa maalintaas sara joogsadey oo makarafoonka iyo madasha hadalkeeda lagu soo dhaweeyey Xaaji Ibraahim Magan Nuur AUN markaasaa Ibraahim Magan yidhi “Inteenna meeshan fadhida ninka ugu da’weyn ayaa inoogu da’ yar waanna Suleex Madar Xoosh” Ibraahim Magan isagga oo hadalkiisa sii wata wuxuu intaas ku darey “Waxaa laga yaabaa in aad dhammaantiin is waydiineysaan Suleex Madar muxuu cuney oo cimrigiisu ku da’yaraadey taas haddaan idiinka jawaabo Suleex Madar Xoosh waa nin kaftan badan oo waji fur oo deeqsi ah oo waliba dabeecad macaan waxaanna Illaahey cimrigiisa ugu barakeeyey waxa weeyi habeen qudha Suleex Madar Xoosh calool xumo kuma seexan oo taas waxaa daliil u ah hab dhaqankiisa wannaagsan iyo sidda ay ummadda Somaliland Bari illaa Galbeed u jecel yihiin garab joogiisa” Haddana Ibraahim Magan AUN intaas ayuu kaftan ku darey oo wuxuu yidhi “Anigu waxaan garaadeystay dhalinyaro uu Suleex Madar ku jiro oo magaaladan Borama iyo nawaaxigeeda berigii hore looga yaqaaney kabbo-cad taas oo wakhtigaas loolla joodey dhalinyadii ugu xaragada iyo ilbaxnimada badaneyd reer Borama”.

Awoowo Suleex Madar Xoosh waxa kale oo uu ka mid ahaan jirey 21kii Oday ee sannadkii 1991kii Beelaha Gadabuursi u xusheen go’aaminta talladda gobolka Awdal kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen.

1- Suldaan Gurey Nuur AUN
2- Sheekh Muuse Jaamac AUN
3- Xaaji Abiibakar AUN
4- Xaaji Axmed Miisaan
5- Xaaji Daahir Cilmi
6- Xaaji Daa’uud Wadsame
7- Xaaji Jaamac Muxumed AUN iyo qaar kaloo badan

Sidoo kale Awoowo Suleex Madar Xoosh waxa uu sannadkii 1993kii ka mid noqdey xubnihii loo doortey Baarlamaanka Somaliland isagga oo illaa maanta ah Xildhibaan ka tirsan golaha Guurtida Somaliland.

Sannadkii 1997kii wax yar uun kadib doorashadii labbaad ee Ina Cigaal ku guulleystay ayaa maalin maalmaha ka tirsan Awoowo Suleex Madar Xoosh iyo Xildhibaano ka mid kuwa reer Awdal ugu jira Baarlamaanka Somaliland ay kulan wadda tashi ah Maddaxtooyada kula yeesheen Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal AUN dabadeed markii ay Xildhibaanadii reer Awdal galeen xafiiskii Cigaal ayuu Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal Xildhibaan Suleex Madar moodey Xildhibaan Aare AUN oo Ina Cigaal aad uga caayi jirey warbaahinta qoraalka kadib Cigaal baa Suleex ku yidhi “Aarow maxaad mar walbe warbaahinta iigu aflagaadeysaa” dabadeed Suleex Madar baa Cigaal ku yidhi “Cigaalow saaka sidey kaa noqotey ma aniga oo Suleex Madar Xoosh ah iyo Xildhibaan Aare ayaad kala garan wayday” Wuxuunna intaa daba dhigey “Cigaalow malaha wixii lagugu sheegayaa run ah” kadib Cigaal inta uu qosley ayuu yidhi “Suleexow Xildhibaanadiinnan reer galbeedka ah maxaan ka kala garan karraa waad isku wadda eeg tihiin habase yeeshee intaan kugu gafey ee aan kugu tilmaammey ruux aanad aheyn Suleexow waxaa iga xaala marin ah baabuur” dabadeed Cigaal ayaa sidaas ku oofiyey balantii oo Suleex Madarna ku xaal mariyey iibinta baabuur yar oo ah nooca loo yaqaanno Mark2.

Sannadkii 2009 ayaa habeen habeenada ka mid ah aniga oo magaalada London sheeko wadaag la ahaa Ayeeyo Caasha Madar Xoosh oo dhashey Hooyo Mako Cismaan Xaaji Raydal isla markaana ay iiga mudaakarooneyso taariikhdii hore ee reer Awdal sidda dagaalkii Gunti Wayne ee dhacey dabayaaqada Qarnigii 19aad qiyaas ahaan sannadkii 1875kii kaas oo dhex marey labbada Beelood ee Gadabuursi iyo Ciise oo ay ii sheegtay in uu galley Aabbaheed Madar Xoosh Faarax oo markaas aad u da’yaraa laakiin ahaa gaashaan qaad sidda ay isagga afkiisa ka soo warisayna waxa uu wakhtiyadaas dambe uga sheekeeyey qaabkii ay Gadabuursigu dagaalka u galleen iyo waliba sidii ay guushu ku raacdey dabadeed habeenkaas ayaan ayeeyo Caasha ku idhi “Horta Ayeeyo maxaa Awoowo Suleex Madar Xoosh dadku u yidhaahdaan duul hore ayuu ka soo hadhey” dabadeed inta ay muusootey kadibna qososhey ayaa iyadda oo walaalkeed da’da u xil qarineysa tidhi “Ayeeyo Suleex Madar ma da’weyna laakiin maadaama ay Lodkiisii wadda dhinteen sidaas ayuu kaligii u muuqdaa oo dadku u wadda leeyihiin Suleex Madar duulkii hore ee reer Awdal ayuu ka joogaa”.

La soco qeybta saddexaad……..

Abdirisaq Mohamed Barkhad

E-mail: rasiiqi07@hotmail.com

Comments are closed