|

Hadii Uu Xibigu Yahay Dimoqraadi Waa In Loo Tartamaa Gudoominti​isa By Maxamad Cali Maxamad

Salaan wacan shacbi weynaha reer Somaliland ee sharafta badan iyo webkeena qaaliga ah ee Cadceednews, Beryahan waxaynu maqlaynay khilaafaad iyo mashaakil ka dhex taagan xibiga talada haya ee Kulmiye, mar hadii uu xisbigu yahay xisbi u furan shacbi waynaha, waa in golaha ama xubnaha xisbigu doortaan hogaamiye iyo hogaami ku xigeen u horseedi kara guusha, maaha in uu nin meesha iska fadhiisto oo uu yidhaahdo anigaa musharax u ah xisbiga, sidaana laguma helo madaxnimada, sidaynu la socono Ina biixi cid kasta hadalo aan macno lahayn ayuu ku tuuray, hadii ay tahay galbeed iyo hadii ay tahay bariba, wuxuu ilaa imika haystaa hantidii guud ee qaranka oo laga fujin la’yahay, dawladduna lamay hadal oo kumay odhan waar hantidan adigu ma lihide dalka ayaa lehe soo celi, maalin dhawayd waatii wasiirkii arimaha dibedda ee dawladdii Riyaale lagu yidhi ka bax guriga, waa kii si sharaf leh u dhiibay muftaaxiisa, hadaba maxay dawaladdu Ina Biixi hantidan guud ee uu haysto uga qaadi wayday? Muuse muxuu kaga duwanyahay Cabdilaahi Maxamad Ducaale, wasiirkii hore ee arimaha dibedda ee dawladii Riyaale .

Aniga waxay ila tahay in la isku yimaado oo shir la qabto oo ay tartan galaan dhamaanba musharaxiinta gudoomiyaha xisbiga oo la is reeb reebo, Ina biixina nasiibkiisa ka qaado, hadii aad ku guulaysato waa nasiibkaa hadii aad ku dhacdona dee waa nasiibkaa, Ninka helaana dee hel, ka waayaana ceeb maahaa oo weligeedba waa la kala badin jiray .

Maxamad Cali Maxamad

Riyadh, Saudi Arabia

a.adam@sidf.gov.sa

Comments are closed