|

Doorashada Baarlamaanka Jabuuti Oo Ilaa Hadda Si Nabadgalyo Ah U Socoto Iyo Natiijada Oo Caawa Lagu Dhawaaqayo

Feb 22,2013.Jabuuti(Cadceed)-Shacabka reer Jabuuti ayaa maanta si rasmi ah ugu dareeray doorashada baarlamaanka dalkaasi, oo ay ku soo dooranayaan 65 xubnood.

Doorashadan oo ay ka qayb-galayaan saddex xisbi oo laba Mucaarad yihiin, ayaa waxa qayb-galaya 174000 cod bixiye, waxaana dadkaasi ka codaynayaan 442 goobood, guud ahaan dalka Jabuuti, sida uu sheegay Guddoomiyaha guddida doorashada dalkaasi.

Magaalada Jabuuti ee caasimadda ah ayaa waxa laga codeynayaa 232 goobood, iyadoo la doonayo inay ka yimaadaan 35 xildhibaan, halka inta kalena ay ka imaanayaan gobollada kale ee dalka.

Doorashadan ayaa si weyn uga duwan doorashooyinkii hore iyadoo xubnaha mucaaradka ah ee lasoo doorto ay ka mid noqon doonaan baarlamaanka, taasoo ka dhigan in baarlamaanka Jabuuti ay ka mid noqon doonaan xubno mucaarad ah, halka markii hore uu ahaa in ciddii ku guuleysata aqlabiyadda baarlamaanka ay qaadan jirtay kuraasta oo dhan.

Doorashadan oo bulshada caalamku u soo dirtay goob-joogayaal, ayaa la filayaa in caawaba lagu dhawaaqo natiijadeeda, iyadda oo tirinta codadka doorashada la bilaabi doono 7-da fiidnimo wakhtiga Geeska Afrika.

Cadceednews Jabuuti

Comments are closed