|

Dood Furan: Adna Waan Gartee, Xirsi Sablaale Muxuu Abaal Marinta Ku Mutaystay, Ma Xadhigii Nadraa? By Abuu Sharaf

Marka hore mahad oo dhammi waxay u sugnaatay ilaaheena weyn,ee aynu adoomadiisa nahay marka xiga waxaan idinku salaamay salaanta islaamka dhammaantii,meel aad joogtaanba.

haddaan usoo noqdo dulucda qormadaydan maanta,waxaan ilaa maanta isweydiinayey, oo aan naftayda ku hiifayey,bal inaan in uun garto sababta uu xirsi sablaale ku mutaystay abaal marintii shalay la siiyey.waxaa cajiib ah,ninkii xirsi gaab ama xirsi sablaale ee aynu wada ogeyn inuu maqashii daayacay,ee uu duqii siilaanyo geela u diray,ee dumarkii iyo dan yartiiba ay khatyaanka ka joogeen,ayaa halkii laga xidhi lahaa,weliba isagii shahaado
weyn iyo abaal marin loogu daray.waxaan anigu qabaa oo aan hubaa,in boqolkii qof ee shalay abaal marinta la siiyey,ay gaf iyo dulmi ku ahayd in xirsi sablaale lala simo oo sidii nin wax qabtay meel lala soo joojo.dadkaa waxaa ku jiray marwo Adna Adan dhakhtar oo taariikhdeeda wanaagsan iyo sumcaddeeda sareysa dunida oo dhan laga wada qiray.

waxay ila tahay ina gaf weyn ku ahayd Adna Adan iyo dadkii kale ee sharafta lahaa ee abaal marinta la siiyey shalay,in xirsi sablaale wax loogu daro,oo laga dhigo nin wax fiican qabtay.haddii ay su´aashu tahay xirsi sablaale wax ma qabtay,dabcan jawaabtu waxay noqonaysaa haa wax wuu qabtay,oo weliba wax weyn buu qabtay.

wax wuu qabtayoo,kun qof jeelkuu dhigay,kunna shaqadii buu ka eryey, kun dan yar ahna dhulkoodii buu ka qaaday oo wuu baro kiciyey,kunna wuu
shirqoolay,kunna wuu dulmay,kunna wuu aasay,kunna wuu aflagaadeeyey.
markaa ninka intaasoo shaqo ah siilaanyo u qabtay,miyaanuu istaahilin abaal marin. ummaddeenu weligeedba khaladkii shalay wax kuma qaadato,cadowgeeda iyo ka aasaya ayeyna dad ugu jeceshay,oo ay garaado iyo darajo aanu lahayn ku taxaan.

markaa waxaan idin weydiiyey,car waa ninka ii sheega sababta uu xirsi gaab ku mutaystay abaal marinta iyo wanaaga uu ummaddan u qabtay,haba yaraatee. waxaan leeyahay kuwii xirsi gaab liiska ku soo daray,iyo kuwii abaal marinta siiyey,iyo kuwa ku taliyeyba midna wanaag iyo caddaalad ma sameyn,ee is tus tus iyo waxay ka ahayd uun siilaanyo iska dhisa,madaxtooyadana yaan la idinka celin.

waxaan leeyahay waa in laga soo celiyaa xirsi sablaale abaal marintaa sida khaladka ah loo siiyey,oo la siiyaa ciddi ku habboonayd,dadkana laga raali geliyaa khaladkaa. waa ayaandaro weyn haddii dulmiga,duudsiga,tacadiga,iyo xumaanta abaal marin lagu bixinayo.

Allaa mahadle.
abusharaf96@hotmail.com

Comments are closed