|

Tartan Dhinaca Oradka Ah Oo Loo Qabtay Dhalinyarada Borama Iyo Oradyahankii Horay Ugu Guulaystay Kaalinta Koowaad Oo Xidhay Score Sare.

Feb 22,2013 Borama(Cadceed) – Waxa maanta Boorama ku qabsoomay tartan orod ah oo uu dhererkiisu dhanaa 10km waxana ka qayb qaadanyay 100 dhalinyaro ah oo ka kala socday xaafadaha kala duwan ee Magaalda Boorama, waxana oo qaban qaabisay wasaarada dhaiyarada iyo ciyaaraha oo gacan ka heshay Bisha Cas iyo Misan Business Center.

Tartankan ayaa waxa uu ka soo bilawday duleedka Goraya Cawl waxana uu ahaa mid aad u xiiso badan oo la arkayay dadwayne aad u tiro badan oo tuban wadada hareeraheeda kuwaasi oo ka qayb ahaa dhiirigalita iyo xiisaha tartankaasi.

Isuduwaha Ciyaaraha ee Gobolka Awdal Mud. Cabdiwahaab Ibraahim Yuusuf oo ka hadlay bilawgii tartanka ayaa u mahadnaqay cidwalba oo gacan ka gaysatay tartankan, waxana uu xusay inay tani qayb ka tahay tartamada ciyaareed ee la doonayo in dhalinta lagu dhiiri galiyo.

Tatankan ayaa waxa ku guulaystay orodyahan Iidle Aadan Arbe oo galay kaalinta koowaad, halka uu kaalinta labaad ka galay Cabdicasiis Cabdilaahi Geele.   Orodyahan Iidle Aadan Arbe ayaa guushani waxa ay noqonaysaa tii labaad ee u soo hoyata mudo dhawr bilood ah, waxana markan xusud mudan inuu ku orday waqti aad uga yar kii dhawr bilood ka hor isaga oo record-kan cusub ee uu dhigay uu yahay midka ugu dambeeyay ee orodyahan ku ordo gudaha Boorama.

Wariye: Maxamed C/laahi Dabshid.

Cadceed.com Borama Office.

Comments are closed