|

Daawo Sawirada: Jaaliyada Soomaaliyeed Ee London Oo Madaxweynaha Somaliya U Soo Dhaweeyay Si Balaadhan

Feb 3, 2013 London(Cadceed) – Munaasabadan balaadhan oo ay xalay jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada London u qabteen madaxweynaha Soomaaliya ayaa ujeedadeedu aheyd in ay kusoo dhaweeyeen Madaxweynahooda islamarkaana ay kala hadlaan xaalada wadanka uu Marayo iyo kaalinta ay ka qaadan karaan dadka Soomaaliyeed ee kunool Dibadaha gaar ahaan wadanka Ingiriiska.

Waxa kasoo qeybgalay xafladii xalay madaxweyne Xassan Sheekh, xubnaha wafdiga lasocday oo ay kamid yihiin Ra’isul wasaare kuxigeen ahna wsiirka Arrimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah, wasiiru dowlaha Madaxtooyada, Saraakiil kasocotay xafiiska madaxweynaha iyo dad Soomaaliyeed oo aad u Farabadan islamarkaana isaga kala yimid magaalooyinka dalkaasi.

Comments are closed