|

Ciidanka Booliska Somaliland Oo Gacanta Ku Dhigay Nin Looga Shakiyay Inuu Xidhidh La Leyahay Kooxda Al-Shabaab.

Feb 01,2013.Burco(Cadceed)-Ciidanka Booliska ee gobalka Togdheer ayaa maanta xabsiga u taxabay nin ku labisan jalbiib iyo niqaab. Waxaana ninkan ay ciidanka amaanku ay xabsiga u taxabeen la shegay inuu ka tirsan kooxda al-shabaab ee ka degalanta konfurta somalia

ninkani la shegay inuu ka tirsanaa kooxdani xagjirka ah ee al-shabaab ayaa lagu soo qabtay wakhti uu la socday gadiidka loo yaqaano tigta amaba bajaajta.
sida ay noo xaqijiyeen dad gob-jogayaal ahi ayaa shegay inuu ninkani markii u tagay istaanka gadiidkasi tigta uu kiraystay bajaajtaasi isla markaasna uu raacay.balse sida la shegay darawalkii waday tigtaasi ayaa ka shekeyay ninkani uu sido iyo waliba sababaha uu u socdo.
balse intaasi ka dib darawalkii waday bajajtasi ayaa ninkani usoo gudbiyay xarunta saldhiga dhexe ee magalada burco waxaana ay halkaasi ciidanka police ay guud ahaanba badheen ninkani ku labisnaa jalbiibka iyo naqaabka.balse ciidanku kama aysan helin wax hub ah oo uu sitay wakhtigaasi, intaasi ka dib ciidanka police ayaa ninkani xagjirka ah ku amray inuu soo tuso meesha uu ka soo xidhay dharkani.waxaanu ciidanka police geeyay bakhaar ku yaala suuqa laba-qow iyadoo halkaasina laga soo qaaday dhowr bacod oo ay ku jiraan walxaha qarxaa.

sidoo kale mar aanu la xidhidhnay taliyaha qaybta police ee gobalka togdheer Maxamed Faarax oo aan wax ka waydin lahayn dhacdadani ayaa ka gabsaay inuu fahfahin ka bixiyo dhacdadani.

Si kastaba ha ahatee falkani ayaa ku soo beegmaya wakhti ay dhawaan dowlada Britian ay shegtay inay gudaha somaliland ka jirto xasi-looni daro dhinaca amaanka ah,

Cadceednews. Burco

Comments are closed