|

Ciidamadda Ammaanka Oo Hawlgalo Ay Ka Sameeyeen Hargeysa Ku Qabqabtay Dad lagu Tuhmay Inay Ka Tirsan Yihiin Al-shabaab Oo Uu Ka Mid Yahay Wiil Ay Walaalo Yihiin Amiirka Xarakadda Al-Shabaab Cabdi Godane

Feb 2, 2013,(Cadceed) – Ciidanka Sirdoonka Somaliland ayaa shalay qabqabtay dhowr nin oo la wariyay inay u xidhxidheen tuhuno ku saabsan inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.

Sida ay wararku sheegayaan raggan la xidhxidhay waxaa ku jira wiil ay walaalo yihiin Amiirka xarakadda Al-Shabaab Axmed Cabdi Godane, kaas oo la wariyay inay ka taxaabeen Hoteelka Hadhwanaag ee magaaladda Hargeysa. Hase ahaatee, warku ma sheegin in arrinta loo qabtay ninkan ay tahay falal amaanka la xidhiidha iyo inay tahay mid arrimo kale oo caadi ah ku saabsan, maadaama ay jiraan dhalinyaro kala duwan oo qayskaas ah oo aan ku jirin kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale, waxaa la sheegay in ciidamadda amaanku shalay ka taxaabeen laba nin oo kale, Masaajidka Nakhiil ee Badhtamaha magaalada Hargeysa. Halkaas oo la wariyay inay ku tukadeen Salaadii Jimcaha. Hawlgaladdan qab-qabashadda ah oo ku soo beegmay waqti ay buuq abuurtay digniin dawladda Ingiriisku soo saartay, islamarkaana u muuqda kuwo lagaga jawaabayo fariintaas ayaa sidoo kale, waxaa ay wararka aanu helaynaa sheegeen in sidoo kale laga fuliyay magaalooyin ay ka midtahay magaaladda Berbera oo la tilmaamay in lagu qabtay nin aan la cadayn waxaa loo taxaabay.

Si kastaba ha ahaatee, Taliska ciidamada Booliska, Wasiirka arrimaha gudaha iyo laamaha sirdoonka oo aanu dhamaantood isku daynay in aanu arrintan wax ka weydiino ayaanay noo suurta gelin in aanu hello midkoodna.

Cadceednews Hargeysa

Comments are closed