|

Bravo Siilaanyo, Halkaa Ka Wad!

Arrimaha siyaasadeed eek a socda Somaliland kuna lidiga ah qoomiyada Gadabuursi maaha wax lala yaabo balse waa mid intii wax arkaysay u muuqatay maalintii la fadhiyay shirkii Boorama ee Gadabuursi lagu tafaafulay. Anoon faalo gun dheer arrintaas ka bixinay, aan wax ka tilmaamo sidaan ugu mid ahaan inta taniyo 1993-kii ka digaysay qorshaha madhalayska ah ee Somaliland, balse dadkaygu moogaayeen imikana u eeg dad soo baraarugaaya.

Nin aan saxiibnahay ayaa maalmihii doorashada Somaliland soo dhawayd I waydiiyay su’ashan: “Rayaale iyo Siilaanyo midkeed u codaynaysaa?” Waxaan u codaynayaa Siilaanyo, ayaan ugu jawaabay. Saxiibkay isagoo fajacsan ayaa yidhi:” ma nin Isaaqa ayaad nin tolkaaya ka raacaysaa, maxaa ka si’ ah? Ayuu saxiiibkay igu yidhi. Waxaan ku idhi saaxiibow danbaa I tidhi inaan Rayaale tuuro, Siilaanya-na doorto, waa dan Gadabuursi. Saaxiibkay isagoo cadhaysan ayuu iga duday, isagoon fahmin sobobta aan Siilaanyo u caleemo saaray. Maantaan jeclaaday inaan furfuro sobobtii aan Rayaale u ridaayay een Siilaanyo ugu codeeyay.

Sideedaba mabda’ ahaan ma raacsanayn siyaasada iyo maamulka Somaliland ee goonigoosadnimada ku dhaqma. Waxaan ka mid ahaa intii qayla dhaanta ka jeedisay shirkii 1993-kii ee Boorama, kaas oo ahaa khiyaamada ugu weynayd ee Gadabuursi lagu sameeyay, shirkaas oo ahaa kii dhidibada u taagay Maamulka Somaliland eel eh sumad qabiil, sumadaas oo lagu ansaxiyay Shirkii Boorama. Ayaamahaa shirkaas loo xusul duubaayay waxaa dhagaha laga furaystay qayla dhaantii waxgaradka Gadabuursi ka soo yeedhaysay.

Taa markii laga soo gudbay, waxay soo garaagurdaysaba waxaa timid in Rayaale noqdo madaxweynaha Maamulka qabiilka ku suntan. Rayaale maalintu madax Hargaysa ka noqday Gadabuursi badankiisu sacabada ayuu tumay, laakiin waxaa weli jirtay dad badan oon ka mid ahaa oo maalintaas dareemay in marlabaad Gadabuursi dabin halis ah qoorta loo sudhay. Intii wax arkaysay maalintaa waxay ku ooyeen : Aan ooyee albaabka ii xidha! Mudadii Rayaale Madaxa ka ahaa Hargaysa Gadabuursi waxaa soo gaadhay dhibtii siyaasadeed iyo qoomiyadeed tii ugu weynayd. Waxaa siyaasad ahaan Rayaale maareeyay in Gadabuursi lala simo qabiil-hoosaad Isaaq. Waxaa taas ka marag ah saamiga reerku ku leeyahay Barlamaanka, milatariga iyo maamulka dawliga ah. Taa waxaa ka darnayd, Gadabuursi oo dhexdiisii lakala geeyay isagoo qayrkii laga reebay, qabyaalad aan horay loo aragna ka dhex aloosantan. Rayaale wuxuu weliba aabo ka ahaa inuu raysal-maalkii ummada shisheeyo u hibeeyo hadday bari noqoto(Gabiley) iyo hadday galbeed noqoto. Dhacdada Saylac-na waa miinooyinkii uu ka tagay. Weliba waxaa intaa dheerayd in Gadabuursi afka lagaga joogay dibad iyo gudahaba. La waayay cid wax iswaydiisa. In Isaaq lala garamo way inaga xidhantay. In dadweynaha loo sheego in Maamulka Hargaysa yahay mid qabiil ah fursad waan u waynay oo had iyo jeer waxaa kaa hor imanaayay dad kugu eedaynaaya inaad Rayaale ku lidi tahay, qabiil ahaana aad ku eryanayso.

Halkaa markuu xaal maraayo ayay timid doorashadii Rayaale iyo Siilaanyo. Gadabuursigii albaabada ootay ee ciil dabnaha la cunaayay fursad ayaa hor timid. Waxaa hor timid fursad ay iskaga tuuraan aqabadii Rayaale ku ahaa. Waxaa soo baxday fursad maamulka Hargaysa ku muujin lahaa amba dadweynaha ku tusi lahaa wajiga dhabta ah ee Somaliland oo ah in Somaliland tahay meel qabiil iska leeyahay.

Sidaa awadeed, waxaan ka mid intii ku ducaysanaysay in Siilaanyo xukunka qabsado, ducadiina waa la aqbalay, balse Siilaanyo kuma degdegin inuu wixii aan doonaayay ku dhaqaaqo. Waxaan jeclaa inuu bilowgiiba wax kala saafo oo uu matalan Wasiirka Gudaha ka dhigo Ina Biixi. Wuu soo dhutiyay oo weerarkii u horeeyay wuxuu qaaday maalintii u jabuuti ka soo noqday ee uu arrinta Saylac ka shanqadhiyay. Markii Gadabuursi arrinta ka carshacarsheeyay, Silaanyo cadho ayaa gashay waxaanad ka garan kartaa siduu arrinta Saylac ugu xusi waayay qudbadiisii Barlamaanka. Waxaad ka garan kartaa darajooyinka milatariga ee uu tolkii ku taxay. Waxaad ka garan kartaa sida qabyaalada ah ee uu u qaybiyay gudoomiye yaasha gobolada. U fiirso in gobolka Awdal oo dhamaan gacanta u galay beesha bariga beesha dhexe. Fiiri, go’aankaa wuxuu gaadhay maalintii la xusaayay dadkii SNM ku laysay Dilla iyo Boorama. Wax iska dhacday maaha balse waa calaamad muujinaysa inuu Silaanyo soo jeedo?

Waxaad arkaysiin in Saylici meesha uugu tagay koox iyo nidaam u adeegaya reer kaliya, waana reer Itoobiya ku soo tashaday. Wali ma hayo taniyo 1993-kii in xitaa inta nidaamkaa aaminsani ee Galbeedka ka soo jeedaa inay nidaamkaa dhexdiisa ka dagaalamaan oo ay ka dhex raadshaan danta reerkooda. Ma hayno weli siyaasi u hiisha Sayliciga la hawaystay in meesha laga tuuro oo indhaha layska qabto doorashadii uu ku soo baxay, sidii indhaha layskaga qabtay doorashooyinkii Saylac ka dhacay. Siyaasiintaa horaa loo sheegay inay yihiin wiilal xishood badan oo aamuska uu ku soo talaalay Rayaale oo baray dhaqan ah : “ Iska qayila”. Saylici-se i-iintiisu waa mid faa’ido leh oo baraarujunaysa inta weli meel cidla ah dawlad u haysata. Sidaa awadeed, Xirsi tooriile iyo kooxda Siilaanyo way ku quman yihiin inay hawlahooga iska wataan, inta tolkay si fiican u toosayo.

Deggaanada Gadabuursi waxaa ku daadsan masuuliyiin ka soo jeeda beesha Dhexe oo gacanta ku haysa ilaha dhaqaale oo idil. Amaanka gobolka waxaa gacanta ku haya wiil reer Burco ah. Maantana Gudoomiyihiin ayuu ka dhigay wiil Siilaanyo adeer u yahay. Ma cadcada, waxaanan hubaa inuu talaabooyin kale oo dhinbiilo leh soo socdaan.

Hadda waxaa ii muuqata inuu Silaanyo gudagalay ajandihii aan ku tuhunsanaa ee aan ku doortay. Waa ajande isaga ka mab’da ah aniguna aan aaminsanahay inuu yahay ajande dadkayga intii huriday toosin kara. Waxaan ogaa in dadkaygu u bahan yihiin wax toosiya oo ka soo celiya suuxistii la suuxiyay iyo tafaafulkii ka raacay Shirkii Boorama.

Anoo filaaya in la fahmay sobobta aan Rayaale iyo Siilaanyo u kala doortay, ha la ogaado in Siilaanyo si wanaagsan hawsha u wado. Isweydiintu waxay tahay ma la kala garan karaa gunimo iyo gobanimo? Wa su’aasha Gadabuursi hortaal. Hana ogaado Gadabuursi horamarkiisu iyo dib-u-soo-noolashahiisu inuu ku jiro taariikhda oo runta laga sheego iyo run-ku-dhaqan foolxumada inaga maydha.

Abris-Awdal

abrisawdal@gmail.com

Comments are closed