|

Xubno Ka Tirsan Beesha Ciise Oo Xukuumada Culays Ku Saaraya In Loo Magacaabo Jagada Xoghayaha Fulinta Saylac Iyo Maayarkii Hore Oo Si Kadis Ah Ugu Shiraaqday Jabuuti

Jan 6, 2013 Hargeysa (Cadceed) – Xubno ka soo jeeda beesha Ciise ee gobolka Selel ee lagaga guulaystay kuraasida maayarka iyo maayar ku xigeenka degmada Saylac ayaa la sheegay inay wadaan qorshe ay ugu ololaynayaan sidii ay xukuumada culays ugu saari lahaayeen in loo magacaabo jagada xoghayaha fulinta dawlada hoose ee degamada Saylac.
Sida ay wargeyska Haatuf u xaqiijiyeen ilo xogogaal ah, ayaa sheegay in odayaal iyo waxgarad ka soo jeeda beesha Ciise oo saluug ka muujiyay hogaanka golaha deegaanka Saylac ay doorteen ee kasoo jeeda beesha Samaroon ay wadaan qorshe ay ku doonayaan in xukuumadu ay ku dajiso in jagada xogahayaha dawlada hoose ee Saylac loo magacaabo, hase yeeshee ilo wareedyada ayaa intaa ku daraya in qaar ka mid ah waxgaradka iyo cuqaasha beesha Ciise ay arrintaasi gaashaanka ku dhufteen, kuna tilmaameen arrin maamul oo u taala xukuumada, isla markaana ay tibaaxuhu sheegeen in beesha Ciise aanay wali ku qancin qaabkii golaha deegaanka Saylac ay ku doorteen maayarka cusub Xuseen Iidle Barkhadle iyo maayar ku xigeenkiisa, taas darteedna wararku intaasi ku darayaan in beesha Ciise ay mawqif adag ka istaagtay xubnaha u ololaynaya sidii loogu magacaabi lahaa jagada xoghayaha oo ay beesha Sacad Muuse hore u haysay oo iyagu murashaxiintoodii uga sharaxnaa golaha deegaanka Saylac ay dhamaantood ku soo bixi waayeen xubnaha golaha deegaanka ee degmada Saylac. Dhinaca kale maayarkii cusbaa ee todobaadkii hore ay doorteen golaha deegaanku ayaan ilaa hada si rasmiya xilkii maayarnimo ugala wareegin maayarkii hore ee Saylac Maxamed Cawad Xadi, oo la sheegay inuu shalay subax socdaal kadis ah oo aan la ogayn ujeedadiisa ugu amba baxay dalka Jabuuti, taas oo wararku intaasi ku dareen in si weyn laysku waydiinayo asbaabaha kadiska ah ee xilligan keenay inuu maayarkii hore oo aan ilaa hada xilkii wareejini ugu safray Jabuuti, isagoo la sheegayna inuu todobaad ka hor ka soo laabtay Jabuuti.

Source:Haatuf

Comments are closed