|

Xisbi Himilo Shacab By Mukhtar Cilmi

Asalamu calaykum waraxmatulahi wabarakato. Halkan waxaan raba oo aan doonayaa inaan idiinku soo bandhigo tusaalooyin ka mid ah isbedelka uu doonaayo Xisbiga Waddani inuu ka qabto waddani mustaqbalkan soo socda .

Xisbiga Waddani wuxuu raba inuu wax ka qabto dalkan insha allah mustaqbalka ,wuxuu u taaganyahay inu wax ka qabto hawlaha dhalinyarada horumarintooda iyo ilaalinta xaquuqdooda siyaasiyadeed, mar walbana Xisbiga Waddani fakirkeesa wuxu ku wajahan yahay kobciinta baahiida dhaliyarada Somaliland iyo dadka dan yarta ah iyo agoomaha.
 
Xisbiga Waddani waa ka kaliya ee ka hadla danta dadka masaakiinta ah ee danyarta ,barnaamiij waxqabadna leh oo dadka wax u qabta xaga nolashooda dhinaca waxbarashada,cafimaadka, shaqada,waxana ila tahay inuu barnaamiijkan dawayn karo ayaahooda.
 

Xisbiga Waddani wuxuu kaloo u dagaalamay xaquuqda dhalinyarada Somaliland inay ka qaybgalan siyaasada inay isku soo sharaxaan dooraashada golaha degaanka iyo mustaqbalkaa,taasna waa guul ka mid ah guulaha u Xisbiga Waddani gaadhay,waanu ku guulastay himiladiisi marka waxaaynu arkayna inay dhaliyar badane ku soo bexeen doorashadii golaha deegaanka..
 
Xisbiga Waddani wuxu u taaganyahay daryeelka danyarta , horumarinta caafimaadka iyo waxbarashada iyo dhaqaalaha Somliland ,iyo inuu Somaliland ku maamulo cadaalad, nabadgaliyo, midnimo, waxaana shacabka kula talinaya mustaqbalka codkooda siiyaan doorashada barlamaanka soo socota Xisbiga Waddani iyo musharaxintisa iyo haliyayga goddmiye Cabdiraxmaan Cirro Doorashada madaxtooyada 2015.

By Mukhtar Cilmi
Khadar2244@hotmail.com

Comments are closed