|

Xaaladaha Siyaasadeed Ee Ka Soo Cusboonaaday Somaliya Waxa Ay U Baahan Tahay In Madaxweynaha Somaliland Dawladiisa Wax Ka Badalo Ama Dib U Eego By Abdiqani Mohamed

Tan iyo markii madaxweyne Axmed Siilaanyo loo doortay talada dalka sanadii 2010kii waxa aynu wada ogsoon nahay in dawladiisu samaysay horumar dhinacyo badan leh.
hadaan wax ka taataabto wax qabadakaas waxa ugu mihiimsanaa
1. Korodhkii mushaharka ciidamada iyo shaqaalaha dawlada.
2. Waxbarashadii aasaasiga ahayd ee bilaashka dawladu ka dhigtay.
3. Shillinkii Somaliland oo bariga dalka la gaadhsiiyey.
4. Miisaaniyadii qaran oo kor u kacday,sababtoo ah musuq maasuqii oo wax badan laga qabtay.
5. Caafimaadkii oo loo dhaqdhaqaaqayo mid dad iyo mid duunyaba.
Dhaliilo badan ayaa iyana jiray oo marar badan loo jeediyay dawlada oo aan hadii aan mid iyo laba ka taabto ay ugu mihiimsan yihiin.
1. Shirkii Taleex oo dalka qas badan ka abuuray sanadkii tagay oo dawladu ay ka gaabisay sidii ay wax uga qaban lahayd.
2. Siyaasadii dibada oo dabac badani ka muuqdo oo xitaa uu madaxweyne Siilaanyo kari waayey in uu dalka aduunka ugu xooga badan uu wax xadhiidh ah la yeesho ama booqasho ku tago.Fursadaas ama ka maqnaanshaheena USA wax ay daliil u tahay laalista USA ee wadashaqayteenii ee ay ku dhawaaqday walow aynaan heerkeeda ogayn.
3. Furitaankii axsaabta siyaasada oo lagu degdegay dhibaatooyin aan ilaa hada xal loo helina dalka kaga tagay.
4. Dawlad u badan rag dhalin yaro ah oo dadaalaya laakiin khibrad badan aan lahayn ee socod barad ah.
5.shirkii somaliland iyo somaliya qodobadii ka soo baxay oo aan wax nacfi ahi ku jirin oo aad moodayso in somaliland lagu khiyaameeyay ee ay wanaagsanaayeen dhinaca somali.
Isku soo wada duuboo madaxweynaha waxa la gudboon talo iyo in dawlad wakhtigan adag dalka ka saarta uu soo dhiso isaga oo eegaya duruufaha ku xeeran wakhtigan xaadirka ah wadatashi balaadhana uu sameeyo si uu talo badan u helo.

Abdilqani Mohamed Hassan (Swedan)
Sanwalo2@hotmail.com

Comments are closed