|

“Waxaa Naga Soo Gaadhay Boorame Saydh Saydhka Holacii La Siyaasadeeyey, Xalka Saylacna Waa Mid Muddo Qaadanaysa.” Wasiirka Gashaandhiga Cadami.

Jan 2, 2012 Hargeysa(Cadceed) – Wasirka gashaandhiga Somaliland Axmed Xaji Cali Cadami oo ahaa afhayeenka waftigii Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ee booqshada ku tagay Gobolka Awdal, ayaa sheegay in xalka Degmada Saylac yahay mid aan hadda dhaweyn oo muddo qadanaaya, isagoo ku micneeyay in dadka degaankaas oo wada dhashay la dhex dhigay shakiyo iyo tuhuno.

Wasiirka oo u waramaayay saxaafada maruu ka soo laabtay safarkii ay ku tageen gobolka Awdal ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay. “Waxaanu u tagnay xalka arrintii Saylac, waajibaadka aanu wadnay wuxuu ahaa sidii laysugu soo dhaweyn lahaa dadka degaanka wada dega. Nasiib darro waxaanu la kulanay iyadoo arrintii la siyaasadeeyay oo xalkeeda la sii fogeeyay, iyadoo dadkii tashuush lagu sii afuufay, oo dhinbiilaha dabkaasi ay duul duulayaan, markii aanu meesha gaadhnay waxaa annagana nala kulmay oo na soo gaadhay saydh saydhka dhinbilahaas.”

Wasiir Cadami wuxuu sidoo kale sheegay inay amreen fadhigii golaha degaanka oo koram ahaan ay dalbadeen intii aqlabiyada ahayd, wuxuuna markale yidhi. “Waxaanu amarnay inay fadhiistaan oo doortaan ciday doranayaan mar haddii ay aqlabiyad haystaan, waxaanu u tagnay sulux iyo isu soo jiid ayay ahayd, waxaana ka faa’idaystay dad si xun wax u shegaaya, hadda arrintu waa deganyahay dadkuna meesha waa wadayalaan arrintan laga bayac mushtaraynayaana waxay iska dhammaanayaan oo runta ayay tagaysaa.”

Dhawaan ayay ahayd markii rabshado ka dhasheen doorashada guddoomiyaha iyo ku-xigeenkiisa ee degmada Saylac, in kastoo hadda ay arrintaasi u muuqatay mid dhammaatay

Cadceednews Hargeysa

Comments are closed