|

Wasiirka Daakhiliga Oo Qiray In Doorashadii Deegaanka Ee Dalka Ka Dhacday Gal-Daloolooyin Iyo Khaladaad Badani Hadheeyeen

Jan 6, 2013 Hargeysa (Cadceed) – Wasiirka Wasaarada arimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale (Duur), ayaa markii ugu horeysay qiray in doorashadii deegaanka ee 28-kii bishii November ee sanadkii hore dalka ka qabsoontay inay Gal-daloolooyin iyo khaladaad badani hadheeyeen, kaas oo dhaliilahaas ku sheegay caqabado sharci oo ay adkayd qabsoomida doorashadii deegaanka. Wasiir Duur ayaa waxa uu sidaas ku sheegay mar uu ka hadlayey shalay munaasibad ay xilka kula kala wareegayeen Maayarka cusub ee golaha deegaanka Hargeysa Eng. Yuusuf Warsame Siciid iyo kii hore Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir, taas oo ka qabsoontey hoolka shirarka ee dawladda hoose ee Caasimadda. Ugu horayna isaga oo ka hadlaya doorashadii deegaanka ee dalka ka qabsoontey, waxa uu yidhi “Dalka waxa ka dhacday doorasho weyn oo marka la eego qaabka sharci iyo qaabka farsamo ay adkayd in la qabto doorasho tan la mid ah, doorashadii golayaasha deegaanka oo aan toban sanadood dalka ka dhicin ayaa inoo dhacday, waxaynu si sharafle ula kala wareegaynaa xilalki qaranka oo ay ugu muhiimsan yihiin golayaasha deegaanku”. Isaga oo Wasiirku hadalkiisa sii watana, waxa uu intaas ku daray “Waxaynu maanta fadhinaa golihii deegaanka caasimada, waynu sagootiyeynaa golihii hore, ka cusubna waynu soo dhawaynaynaa, xukuumad ahaan golaha deegaanka cusub waanu taageeraynaa oo waanu garab galaynaa. Guul ka wayni ma jirto nin xil qaran soo hayey oo si sharafle loogala wareegay sida Jiciir iyo Uur-cadde oo kale uu Ceeb la’aan ummadda horteeda kaga baxo, waxaad ugu ducaysaan golaha cusub iyo anagana uu taasoo kale nagu simo, qofna xilka ku waari maayo, laakiin ninka Alle ku asturo ee maanta oo kale tiriyaa waa guul weyn oo taariikhda u galaysa”.

Comments are closed