|

Wasiirka Ciyaaraha Somaliland Oo Ku Dhawaaqay Inay Dib u Dhigeen Ciyaarihii Gobolada

Jan 14, 2013 Hargeysa(Cadceed) – Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Md. Cali Siciid Raygal ayaa maanta si ramiya ugu dhawaaqay in ay Wasaaradiisu dib u dhigtay Qabashada Ciyaaraha Gobolada ooh ore Qorshuhu u ahaa in bishan la qabto.

Wasiir Cali oo maanta shir Jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa Magaalada Hargetsa ayaa waxa uu sheegay in Ciyaaraha Gobolada ee Sanadka la qaban doono 02/June isaga oo dib u dhacaasina ku sababeeyay in qurbo-jooga reer Somaliland ay ka codsadeen in lala sugo wakhtigooda xagaa ee ay dalka imanayaan, si ay uga qayb galaan tartamadda Ciyaahraha ee Gobolada.

Mr. Raygal o arimahaasi ka hadlaya ayaa wax auu yidhi “Waxa aanu qaban doonaa tartanka ciyaaraha Goboladda hadii alle idmo 2 bisha june, waana codsi nooga yimid dadka qurbe jooga ah ee reer Somaliland” ayuu yidhi.

Dhib u dhigista Qabashada Ciyaaraha Gobolada ayaa wararka qaar sheegayaan in ay isla gateen Madaxweynaha Somaliland iyo Odayaasha Dhaqanka ee Xaafada Axmed Dhagax oo uu ku yaalo Garoonka kaliya ee Kobada Cagta Hargeysa Stadum oo Taranka lagau qaban lahaa, ka dib markii ay Ciyaaruhu ku soo beegmeen wakhti ay xaafadaasi ka jirto Cabasho balaadhan oo la xidhiidha Doorashadii Golaha Deegaanka ee dalka ka qabsoontay dabayaaqadii sanadkii hore.

Cadceednews Hargeysa

Comments are closed