|

Daawo: Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Oo La Kulantay Xoghayaha Arrimahad Dibedda Ee Ingiriiska & Nuxurka Qodobada Ay Ka Wada Hadlneen (Warbixin)

Jan 3, 2013 London(Cadceed) – Ra’iisal Wasaare kuxigeenka ah Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowlada Soomaaliya Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo socdaal ku joogta magaalada London ayaa galabta kulan la qaadatay dhigeeda dalka Britain William Hague.

Kulanka labada Wasiir ayaa ka dhacay xarunta wasaaradda arrimaha dibada Ingiriiska ee magaalada London, waxaana uu ahaa kulankii ugu horeeyay oo si fool-ka-fool ah u dhexmara labada wasiir.

Hadal kooban oo ay labada wasiir saxaafada siiyeen kadib kulankooda galabta ayaa waxay ku sheegeen inay ka wada hadleen saaxiibtinimada Britain iyo Soomaaliya iyo kaalinta ay dawlada Ingiriiska kaga jirto taageerada Soomaaliya.

Wasiirada arrimaha dibadda Soomaaliya Fowsiya Yuusuf ayaa sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay inay maanta oo Khamiis ah is arkaan wasiir Hague ayna ka wada hadlaan xiriirka labada dhinac ka dhexeeya, gaar ahaan waqtigan oo ay tiri, dawlad cusub oo aan ku meelgaar ahayn ay ka dhalatay Soomaaliya.

Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan waxay kaloo sheegtay inay kala hadashay wasiirka sidii dib loogu bilaabi lahaa cilaaqaadkii siyaasadeed iyo midkii diblomaasi ee ka dhexeeyay labada wadan, waxayna sheegtay in dawlada Soomaaliya ay dib u furaneyso safaaradeedii Ingiriiska iyadoo dawlada Ingiriiskuna ay wado sidii danjiraheeda cusub oo hadda ku sugan Nairobi uu ugu guuri lahaa magaalada Muqdisho.

Sidoo kale wasiirka arrimaha dibadda Ingiriiska ayaa sheegay in dawlada dalkiisa ay sii xoojineyso xiriirka saaxiibtinomo ee labada wadan iyadoo dawladiisuna ay sheegtay in sii wadeyso kaalmada dhaqaale ee dhanka bani’aadanimada ay siiso Soomaaliya sanadkan 2013.

Labada wasiir waxay si isku mid ah carabka ugu dhufteen in bisha May ee sanadkan 2013 magaalada London lagu qaban doono shir diirada lagu saari doono Soomaaliya oo ku saabsan dib u dhiska Soomaaliya kaasoo uu ka qeybgali doono madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud

Bile Yusuf Maxamed
Cadceednews London

Comments are closed