|

Warbixin Shirkii Jaaliyada Awdal,Gabi​lay Iyo Salal Ee Magaalada Jönköping Ee Dalka Sweden, Sawiro+ Video

06 January: Jönköping: Jaaliyada Awdal state ee ku dhaqan magaalada Jonkoping ee dalka Sweden ayaa yeeshay Kulan balaadhan oo loogu gogol xaadhayay Shirweyne ay jaaliyadu kaga Arinsan doonto Arimaha Ka Aloosan Gobolada Awdal, Gabiley, iyo Salal.

Ugu Horeyn jaaliyada Waxay tacsi u direen dadkii ku dhintay Magaaloyinka Borama, lughaya intii ku dhawaacantayna waxay Illaahay Uga baryeen inuu Caafimaad siiyo,
Sidoo kale Jaaliyada Waxay Isla soo qaadeen sida ay lama huraan u tahay midnimada Beelaha gadabuursi iyo waajibaadka difaaca dhulka Hooyo,

Isla Goobtii waxa lagu yaboohay lacago qaadhaan ah oo si dhakhso ah loo gaadhsiiyo dadkii waxyeeladu ka soo gaadhay mudaharadkii dhawaan ka dhacay Boorame ee Ciidan beeledka Maamulka Siilaanyo hogaamiyo ay sida Arxandarada ah ugu fureen rasaasta.
Madashii Shirka waxa lagu doortay gudi ka kooban shan xubnood oo ah Gudida Qabanqaabada Shirweynaha Jaaliyada Jönköping iyo Nawaaxigeeda, Shirkani wuxuu ahaa mid ku bilowday jawi iskaashi iyo Isfahan badani ka muuqday wuxuuna ku dhamaaday farxad iyo guul.

1.Saleeban xaji cumar

2.saleeban Sultan riiraash

3.Jawhar Abdisamad qalinle

4.Abdirashiid muxumed maygag

5.Abdoo xaji maxamed ibraahim

Abdi Ismail Darar
abdidarar@yahoo.com

Comments are closed