|

Wakiilka Somaliland Ee Dalka Kenya Oo Ka Hadlay Aqoonsiga Maraykanka Ee Somalia

Jan 26, 2013 Hargeysa (Cadceed) – Wakiilka dawladda Somaliland u fadhiya dalka Kenya Dr. Maxamuud Cabdillaahi Jaamac (Sifir),

ayaa sheegay inaanu aqoonsiga Maraykanku siiyay dawladda Somaliya wax saamayn ah ku yeelanayn dawladda Somaliland.Dr. Sifir oo xogogaal u ah arrimaha diblomaasiyadda gobalka Geeska Afrika, wuxuu sheegay in Maraykanku aqoonsaday dedaaladii uu sannadihii u dambeeyay geliyay dalka Somaliya. Dr. Sifir, oo isagoo jooga magaalada Nayrobi ee dalka Kenya xalay u waramay Wargeyska Geeska Afrika, wuxuu ugu horayn ka hadlaya aqoonsiga Maraykanka oo ay bulshada Somaliland aad u hadal hayso, waxaanu yidhi “Intaynaan saamaynta dawlada maraykanku ay inagu yeelanayso eegin in aynu dib u eegno arrimaha weeyaan, marka hore dawladan Maraykanku waxay aqoonsatay wado la raacayay oo ay daba socotay ilaa 2009-kii Jabuuti laga soo bilaabo ilaa Kampala, waxii ay had iyo jeeraale taageeraysay ciidamadan dalka la geeyay ee ay iyadu lacagta siiso, waxay aqoonsatay waxa weeye waxii ay taageeraysay waxuu ku dhammaaday.” Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi “In uu dal Soomaaliyeed waligeedba jiro waa la ogaa, qaramada midoobayna had iyo jeeraale waad ogtahiinoo midnimada iyo wada jirka mabda’iyan waxba kamay badalin, wax cusub oo halkaas ka yimina ma jiro, waxan la abuuray ee dawlada noqday maxuu yahay ayaa hadaba is waydiin leh ta saamaynta inagu yeelan kartaa waa taas ee maaha ta Maraykanka, anigu Maraykanka iyo Qaramada midoobayba waan la hadlay cid ay wax ka qarsoon yahiina ma jirto, Dawlada Maraykanku waxa laga yaabaa in aanay wax badan ka aqoon siyaasada Soomaaliyeed iyo dhaqankeeda, laakiin dawladnimadu waxay tahay iyo halka loo maro waa ay yaqaaniin iyo waxay dawladu cagaha isugu taagi karto.” Sifir, oo arrinkan sii sharaxayaa wuxuu yidhi “Markaas xaqiiqada Somaliya maxay tahay? Taasna waa laga wada war hayaa, labaatan kun oo ciidan ah oo shisheeye ayaa ka dagaalama oo la dagaalama Shabaabka, gobalada in badan ayaa ay gacanta ku hayaan meelaha laga saarayna maamul looma samayn oo nidaamka loo samaynaayo wax heshiis lagaga yahay ma jirto, markaas waxay I xasuusinaysaa tani barigii aan aniguba TFG-da ku jiray ee aan ka noqonay halkan ( Kiiniya ) ayaa laysku qabtya laba wax, dhinac waxa uu yidhi dib u heshiisiintii waa la soo af-jaray oo waa ay dhamaatay, qolo aan anigu ku jiraana waxay tidhi waxba lama soo heshiin oo hadday curad tahaye dadka dib u heshiisiin haloo sameeyo, waxa maanta taas lamid ah dadkan ku hadaaqaya in waxii kala guurka ahaa soo af-jarmay, wax soo af-jarmay ma jirto, wax is badalayna ma jiro ee wax waliba waa sidiisii Somaliland meeshee diibay joogtaa, Puntland meesheedii ayay joogtaa oo gabalada dhaxe waa meeshoodii, markaas dadkan ku hadaaqay waxii kala guurka ahaa ayaa dhamaadeen waa filin iyo riwaayad iyo dad wax ma garato ah ama aan daacad waxba ka ahayn. Markaas dawlada Maraykanka iyo dawladaha kaleba in Somaliland ay jirto waa la ogyahay, wadada dheer ee ay soo martayna waa la ogyahay cid dafirsanina ma jirto, waana tii wada hadalka la bilaabay, hada hadii wada hadalkaas la sii wadana wax lagu heshiiyay ayay noqonaysaa wada hadalkuna waa inoo wada dan si waxan loo soo af-jaro.”

Waxa kale oo la weydiiyay danjiraha su’aalahan Siyaasadii labada dhinac ahayd ee uu Maraykanku kula dhaqmaayay Somaliland iyo Somaliya xagay ku danbaysay, se haddaad tidhi Maraykanbaa xidhiidh la sameeyay ma kala hadashay qaabka uu Somaliland ula xidhiidhayo? Waan kala hadlay Somalilandna sideedii ayaa loo arkaa, waxan wax iska badalayaana waa dhulka Shabaabka laga qabanaayo ee maamulada loo samaynaayo ee waxii Xamar ku koobnaa la balaadhinaayo, waana sida qabyada looga saarayo. UN-ku waxa uu hadda wadaa sida ay uga hawlgali doonto Somaliya iyo Somalilandba, bisha saddexaad ee sanadkan ayaana golaha amaanka war baxin la gaynayaa, tilmaamaysa aayaha iyo mustaqbalka sida qamaramada midoobay ay uga shaqaynayso Somaliya, waana wax imika la curinaayo waxna waa waxii hore oo isa sii soconaaya.

Ugu danbaynta maxaad ku soo gunaandaydaysaa, marka aad eegto hadal hayntan aqoonsiga uu Maraykanku siiyay Somaliya?

Xaqiiqadu waxaya tahay inay dawlad cusubi maanta ka abuurantay Somaliya caalamkuna uu is leeyahay waxbaa dib looga samayn karaa, oo kaalmo loola diyaar yahay, inagana waxa laynooga baahan yahay in aynu noqono dad xalkaas ka qayb gali kara, waana in dadkeena la mideeyo oo siyaasadeena dib loo habeeyo oo wada tashi la galiyo.

Waana in duruufta cusub ee abuurantay aan layska indho tirin, danta Somaliland iyo ta Somaliyeed iyo ta geeskuba sidaas ayay ku jirtaa, waxii intaa ka danbeeya haddii talo wanaagsan iyo da’daal iyo muwaafaqo la helo horaa loo socon karaa waxa socdana saamayn ayaynu ku yeelan karnaa.

Ugu danbtaynta wada hadalada Somaliland iyo Somaliya maxaa laga filan karaa?

Waxa ka soo baxi kara wax rabitaanka dadka waafaqsan iyo waxa lays dhaafsanaayo iyo sida danahaaga loo raadinaayo, in aynu markaas inaguna waxaas ka fakarno oo laga wada tashado, waa layna tijaabinayaa ee waa inaynu tijaabadaas ka hawl galanaa.

Geeska Afrika

Comments are closed