|

Waabeeye Waabee: Kulmiyaana Kadan.Qormadii-1aad Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale-

(Qalalaasaha Kulmiye ma kow baa mise waa ka badan)

Boobe uma hollan in aan wax badan idin idhaahdo. Qalin daansho-socodka derrimaha madheedhka leh tiiq-tiiqsan jiray, ayaan dabar iyo hoggaanba sudhayaa si aanu idiin la taraarin. Dooh, aan idaahdo oo weliba didibsana ugu daro.

Waa mowduuc aad beyr ka qabtaan oo ay adag tahay in warbaahinta lagu soo qaadaa, weliba inta uu khuseeyaa. Waa mowduuc ay adag tahay sida fagaare loola yimaaddaa, bal se faqa hoose iyo mefrishyada lagu falanqeeyaa. Annaga ayaa inta daalacanta dhalatay ku jirna oo aanay waxba dhulka naga oollin ee bal aan idiin bilowno in aad ku dhiirrataan in aad si togan uga hadashaan idinka oo aan naxli iyo nac midnaba beerayn.

Dhacdadu ma fogeyn. Waa Khamiistii oo ay bisha Jeeniweri ahayd 24, kuna beegnayd 12ka Rabiical Awal, 1434ka Hijriyada. Waa Wargeyska Jamhuuriya Vol. 20, cadadkii 5034 oo wareysi dheer la yeeshay Xildhibaan Waabeeye oo ah Guddoomiye-ku-xigeenka 2aad ee Xisbiga Kulmiye. Wuxu si aan mugdi ku jirin u sheegay in Madaxweyne Siilaanyo iyo Mudane Seylici ay mar labaad ugu sharraxan yihiin xisbiga Kulmiye Madaxweyne iyo Madaxweyne-ku-xigeen.

Madaxeynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenkuba milgo iyo maamuus ayay inaga mudan yihiin, oo aynu iyagana sida oo kale xaq, xeer iyo xaaqaanba ugu leenahay. Innaga ayaa doorannay si ayn inoogu adeegaan muddada Dastuurku u xadeeyay. In si qumman oo edeb leh loo tilmaamo, loo toosiyo, loona dhalliilaa waa xaq Dastuuriya oo aynu leenahay. Iyaguna waa halkii Hadraawi e’, guudaan waa in aanay ku liqin ereyga geedaysan.

Dhacdadii ku soo noqo. Wax la yaab leh ma aha in ay Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenku mar kale Xisbiga Kulmiye murashixiin u noqdaan. Kollayba hawl aniga ii taal ma aha, bal se waa go’aan u yaalla hay’adaha hoggaaminta ee Xisbiga Kulmiye oo aan aamminsanahay in dastuurkoodu wax ka qorayo. Dhacdadan aan laga fiirsan ee sida bambada Xildhibaan Waabeeye xisbigiisa ugu dhex tuuray, waxaan u arkaa in aanay ahayn qaabkii ugu fiicnaa ee arrintan loo dhigi lahaa. Waxa intaa raaca in aanay labadan hoggaan ama mas’uulba ee uu soo qaaday sidaa ka mudnayn oo aanay sharaftooda ahayn. Xisbigiisa uu hoggaanka ka yahay ayaan ka mudnayn. Shacbiga tabaalaysan ee boqolka dab ku baxayaan ayaan ka mudnayn. Marxaladdan si kasta u adag ee la marayo ayaan ka mutaysan.

Tuduc Timacadde lahaa ayaa odhanaya:

“Waagii dillaacaa naxdimo, dihin la sheegaaye,

Dab markuu bakhtiyo meel kalaa, dogob ka qiiqaaye,”

Waxa inaga bakhtiya ayaaba iska yar.

Kol haddii ay Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenku xaq iyo xurmaba u leeyihiin in ay mar labaad isa soo sharraxaan, miyaanu dawga iyo dastuurka Kulmiyaba ahayn in ay hay’adaha hoggaaminta ee Xisbigu ka fadhiistaan? Ma Xildhibaan Waabeeye oo keliya ayay sidaa ula muuqatay oo waa ra’yi shakhsiya? Mise madax kale ayay sidaa isla og yihiin? Mise Guddoonka Xisbiga Kulmiye ayaa kulan albaabbadu u xidhan yihiin yeeshay oo sidaa go’ansaday? Ma Guddoomiyaha Kulmiye iyo Ku-xigeennadiisa ayaa arrintan go’aamiyay? Xoghayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye muxuu ka ogaa? Mise, intaasiba waa salleello e’, arrinkan Guddi-fulineed ayaa ka fadhiisatay oo aan warkeeda iyo go’aammadeeda la baahin? Mise Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Kulmiye ayaa kulan aan caadi ahayn isugu yeedhay Golaha Dhexe ee Kulmiye oo sidaa go’aamiyay? Mise Guddi Joogto oo aan tiradeeda iyo tayadeedaba la garanayn ayaa go’aamisay oo Xildhibaan Waabeeyana af-hayeen u yahay?

Kunkaa su’aalood iyo kun kale oo la mid ah ayaa madaxaaga ku soo dhacaya markaas ayaad jawaab u waayaysaa. Waa ay adag tahay sida ay arrintan oo kale uga dhacdaa Xisbiyada kale ee mucaaradka ah, in kasta oo aanay saddexda xisbi wax sidaas ah ku kala duwanayn. Dhammaantood waxa u qoran iyo sida ay run ahaan u dhaqmaan is-ma laha. Guddidii Fulinta ee hawl-maalmeedka Xisbiyada qaban jirtay sida aad ku maqashaa waa ay adag tahay, dhammaantoodna waa ay ka siman yihiin. Shirweynayaashu waa shantii sannadood hal mar, waa haddii ay dhacaanba. Dhammaantood waa ay ka siman yihiin. Kal-fadhiyada Golaha Dhexe hal mar ayaa laga yaabaa in ay qabsoomaan sannadkiiba. Guddiyada gobollada, degmooyinka iyo laamaha dibadduba waa iska magac-u-yaal oo sida raha gu’gii loo arko, ayaa maalmaha doorashooyinka loo arkaa. Dhammaantood waa ay ka siman yihiin. Waxa had iyo jeer lagu cel-celiyo ee lagu dhego-barjoobaa waa Guddoomiye. Dhammaantood waa ay ka siman yihiin. Wixii soo raacaaba waa Murashax-madaxweyne. Dhammaantood waa ay ka siman yihiin.

Timacadde oo doorashooyinkii 1964kii ka hadlayay ayaa lahaa:

“Habar habartan loo kala baxiyo, hiririgtii yeedhay,

Harqadii gidaarrada la sudhay, dumarki heesaayay,

Hadaf baa dhsimaha Baarlamaan, lagu hubeeyaaye,

Hadbana shicibku caynkuu yahaa, lagu hoggaanshaaye,

Hannaankii wax loo dooran jiray, weli ma haysaan e’,”

Maxaa maalmahaa, maalmahan uga eg? Waa goorma? Ma raad-qaad ayaynu weligeen ahaanaynaa, miyaynaan dhaqaaqaynba. Gu’ inoo kordha mooyaan e’, miyaan garaadba inoo kordhayn? Maantana miyay Cabdillaahi Suldaan iyo af-maalkii suugaanta ku soo halgamay nool yihiin. Xaaladdii aynu 1964kii ku jirnay meel ka sii liidata ayaynu taagan nahay. Bal adba!

(la soco ……………………………………………)

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale
cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com

Comments are closed

Akhriso Wararkii U Danbeeyey