|

Ururka Adal Unity And Development Oo Maanta Deeq Raashina Soo Gaadhsiiyay Bukaanada Ku Jira Dhakhtarka Dhimirka Boorama+SAWIRO+Daawasho

Jan,24,2013-Borama-(Cadceed) Ururka Adal Unity & Development ee Gobolada Awdal/Selel Iyo Gabiley ayaa maanta deeq raashina soo gaadhsiiyay Dhakhtarka dhimirka Boorama, deeqdaas oo ahayd lacag dhan $550 Dollarka maraykanka ah ayaa waxaa loogu badaly raashin dhan 34Kiish oo Bariisa oo ay kiishkiiba ku jiraan 25Kg.

 

 

 

 

Deeqdan Raashinka ahaa ayaa waxaa ay ururkani soo wakiisheen kana mid ah ururkan gudoomiye C/qaadir Aadam Nuur Oo ah xidhiidhiyaha Qurba jooga iyo guda jooga Gobolada Awdal/selel waxaana qaybinta deeqdan ku wehelinayay sarkaal sare oo isna ka tirsan ururwaynaha Samafalka TAWFIIQ Suldaan Mahdi Aadam Riiraash(Guray.

Qaybinta deeqdan ayaa waxaa halkaas hadalo mahadnaq iyo fariin ka soo jeediyay Xaaji C/qaadir Aadam Nuur Iyo Dr:C/raxmaan Gurguurte waxa ayna sheegeen in deeqdani ay soo gaadhay dhakhtarkan waqti bukaanada Jiifaa ay aad ugu baahan yihiin waxa ayna mahadnaq aan la soo koobi karin u direen ururkan Adal Unity And Development sida wanaagsan ee ay u soo xasuusteen walaalahooda u baahan taakulada.

Dhanka kale Dr C/raxmaan Gurguurte ayaa fariin u diray cidwalba oo ka damqanaysa dadkan bukaanka ah ee ku jira dhakhtarkan dhimirka ama dawada Banaanka ka qaata oo uu sheegay in ay gaadhayaan 200 ,Qof ay dawooyinkii bilaashka ahaa ee ay siin jireen dhamaadeen ama gabaabsi yihiin loona baahanyahay in laga wada qaybqaato sidii dadkaas bukaanka ah loogu heli lahaa dawo jooga ah oo bilaasha.

Halkan Hoose Ka Daawo Hadaladii munaasabadaas raashinka lagu gudoonsiinayay oo ka dhacday dhakhtarka Dhimirka Boorama.

Comments are closed