|

Ujeedada Socdaal Wasiirka Arimaha Gudaha Iyo Wefti Uu Hogaaminayaa Ku Tageen Saylac Iyo Kulamo Uu Caawa La Yeeshay Maamulka Gobolka Salal

Jan 14, 2013 Saylac(Cadceed) – Wefti uu hogaaminayo Wasiirka Wasaarada Arimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale (Duur), oo maanta galinkii dambe gaadhay Magaalada Saylac oo todobaadkii hore rabashado ka dhaceen, ayaa caawa halkaasi kulamo kula yeshay Maamulka Gobolka Salal.

Wasiirka arimaha gudaha Somaliland, ayaa maamulka Gobolka kala tashanaya sidii ay u guddo gali lahaayeen dedaalada la doonayo in lagu xaliyo khilaafaadka ka dhexeeya labada beelood ee Walaalaha ee wada degga halkaasi.

Waxa la sheegay in Wasiirka oo ay socdaalkiisan ku weheliyaan agaasimaha waaxda maamulka dawladdaha hoose ee Wasaarada arimaha gudaha iyo masuuliyiin kale oo amniga qaabilsan, ayaa lagu waramayaa inay maamulka gobolka isla qaateen in maalinta bari ah ay si wada jir ah ula kulmaan waxgaradka labada beelood ee Samaroon iyo Ciise ee degmada Saylac, taasoo ay soo kala dhexgashay xurguf ay reebtay doorashooyinkii ka qabsoomay dalka sanadkii tagay dabayaaqadiisii.

Wasiirka iyo masuuliyiinta kale ayaa la sheegay inay labada dhinac u soo bandhigi doonaan qorshayaal ay ku dejinayaan xaalada kacsan ee halkaasi ka jirta, si aanay dib ugu dhicin mudaharaado dhibaato keena.

Socdaalka Wasiirka ayaa ku soo beegmaya xili shalay Wasiirro xukuumadda Somaliland ahi ay cisbitaal Jabuuti ah ku booqdeen dhaawacyadii dadkii ku dhaawacmay rabshadihii todobaadkii hore ka dhacay Magaalada Saylac.

Cadceednews Desk

Comments are closed