|

Tacsi, Dardaaran Iyo Tallo Ku Socota Dhamaan Umadda Ku Abtirsata ADAL Ee Samaroon By Nuuh Husein

Marka waxaan tacsi u dirayaa qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay mujaahid Jimcaale isagana waxaan ilaahay uga baryaynaa inuu janadii fardawsa ka waraabiyo inagana samir iyo iimaan inaga siiyo dhamaanteen.
Walaalayaal waxaan rabaa inaan maanta halkan kaga hadlo dhacdooyinka maanta dhulkeenii ka jira gaar ahaan arinta Seylac. waxaanan jeclahay dad ka reer Awdal inay fahmaan in qadiyada Seylac iyo guud ahaan qadiyada SAMAROON iyo tolnimo ay ka weyn tahay kacdoon hal maalin ama laba maalmood lagu muujiyo, balse ay tahay wax markasta loo baahan yahay in loo fikiro taladeedana la helo. walaalayaal Seylac muran ma geli karto, hase yeeshee arinku waa ka weyn yahay Seylac, salkiisuna waa doqonta usha agteeda ku jiid haday garan weydona boga u geli. waana mid ku timid markii wax kasta lagugu dayey ee dhiig iyo dhagarba laguu geystay oo aan ka damqan weynay, jawaabna ka bixin weynay in maanta laguu soo gaadho in lagu yidhaahdo dhulkaaga keen Djibouti oo abaal noo gashay ayaan ugu abaalgudayaaye. weli taariikhda soomaalida masoo marin arintan oo kale, damac wuu jiraa oo laba qolo dhul way isku qabsadaan laakiin weli ma dhicin qolo sadexaad oo labada wax ka dhexeeyaan mid ka qaada oo kakalena abaal uu ku lahaa ugu guda, waase wax inagu cusub oo taariikhda soomaalidana lagaga sheekayn doono. hadaba maanta halkaas ayaan maraynaa. walaalayaal marka arinku halkaas marayo anigu garan maayo wax kale oo la sugo oo hadhay waana ku quuso oo ku qargooso. soomaalidu waxay tidhaa umusha ayaa foosha xanuunkeeda si fudud ayay u ilowdaa, SAMAROON markuu ilaaway oo dulqaadanay dhib kasta oo ina soo gaadhay maanta isaaq wuxuu ina tusay halka ay inaga taagan yihiin waxay qarsan kari waayeen wixii ay damacsanaayeen iyo heshiisyadii qarsoodiga ahaa ee ay Djibouti la galeen wakhtigii ay halganka ugu jireen siday u yeelan lahaayeen dawlad isaaq oo la mid ah ta Djibouti taas oo ay maanta haystaan waxay noo sheegeen in Djibouti halgankoodii garab istaagtay oo abaal weyn ku leedahay halka inakana ay inoo cadowgii ay dagaalka kula jireen oo aysan marnaba ilaawi doonin.
Anoo soo gabagabaynaya hadalkayga maanta SAMAROON maxaa la gudboon. waa in laga fikiro wax badan, la xisaabtamo oo lala yimaado qorsheyaashii iyo siyaasadii lagu dhaqmi lahaa mudooyinka dheer ee soo socda iyadoo laga fikirayo waqtiga fog.waxaan soo jeedinayaa qodobadan iyo talooyinkan oo lagu gaadhi karo midnimo qoto dheer iyo qadiyad muqadas ah oo SAMAROON.

1-Shir degdeg ah oo loogu baaqo SAMAROON weyne guud ahaan, salaadiin, aqoonyahan, siyaasi, dhalinyar,haween iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada Laguna qabto shirkaas magaalada Seylac.

2- in arimaha SAMAROON cidwalba hawsheeda loo daayo oo siyaasiyiinta iyo aqoonyahanku ay kaalintooda qaataan, salaadiinta iyo odayaasha dhaqankuna ku koobnaadaan arimaha dhaqanka iyo sidii ay uga shaqayn lahaayeen xoojinta midnimada SAMAROON iyagoo ah kaalinta ugu sareysa oo cidwaliba hoos tagayso.

3-aqoonyahanku iyo siyaasiyiinta waa inay u jiheeyaan dadkooda iyagoo ka talobixinaya waxa la yeelayo iyo wadada la marayo ee mustaqbalka fog ku salaysan waayo maanta qabaa’ilka soomaalida dhamaan waxaa hogaamiya siyaasiyiintooda ama aqoonyahanadooda iyo salaadiintooda oo isku duuban oo wada tashada halka maanta inaga arinkeenu ku keliyaystay odayaasha dhaqanka oo arimaha siyaasada aan wax ka garab qabta aan haysan.

4-dhamaanteen waa inaynu ka shaqayno sidii aan u xoojin lahayn midnimadeena wax kasta oo aan kala tabanayno ee ina dhexmari kara waa inaan ka dhigno wax fudud oo la dhamayn karo waase inay jirto qadiyad guud oo ah SAMAROONimo oo ah lama dhaafaan ama lama taabtaan. hadaba walaalayaal hadii taas la helo waan liibaanaynaa, midnimadeenu waa inayna noqon mid maalinle ah ama ay dhibta iyo baahi aan isku qabno ay keento balse midnimadeenu waa inay noqotaa mid jirta oo dhib iyo dheefba la wadaago, waa in lagu xisaabtamo in ilaahay iskeen baday markuu walaalo inaga dhigay walaaltinimada iyo wada dhalashaduna malaha xili iyo wakhti. ee taas hala ogaado, midnimadeenu waa mid ku salaysan wada dhalasho iyo walaalnimo.

5- waxaan kusoo gunaanadayaa oo aan si gaar ah ugu jeedinayaa taladan in dhamaan salaadiinta SAMAROON kulan degdeg ah iskugu yimaadaan oo ay si mideysan uga hadlaan arimahan.
a) waa inay dadkooda ay metelaan u muujiyaan midnimadooda iyo ka wada shaqayntooda qadiyada guud ee SAMAROON, taas oo kalsooni iyo dhiiri gelin siin doonta bulshada aad meteshaan gudaha iyo dibadaba, taasoo fariin adagna u noqon doonta kuwa jecel inay arkaan SAMAROON oo kala jajaban.

b) waa inay ku baaqaan uguna yaboohaan aqoonyahanadooda iyo siyaasiyiinta SAMAROON inay iskugu yimaadaan shirweyne wada tashi ah.

c) waa inay si wada jir ah uga hadlaan una cambaareeyaan cid alla cidii ka dambeysay arimahan iyo meel kadhaca loola soo badheedhay, iyo weliba khasaarihii dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay arimahaas.

d) waa in salaadiintu ka waantoobaan dhacdooyinka soo noqnoqonaya ee lala caadaystay iyagoo aad moodo inay kolba dhacdada markaas taagan uun inay ka hadlaan mudo kadibna halkaas lagu ilaawo. waa in la yeesho hadaf iyo ujeedo ku salaysan mustaqbalka fog guud ahaan dadweynaha SAMAROON waa inay mar walba xasuusnaadaan in waxa maanta dhacay aanu ku koobnayn intan oo keliya.loona baahan yahay in la helo go’aano dhaxal gal ah oo lagaga gudbo dhibaatooyinka soo noqnoqonaya.

e) shirkaas salaadiintu waa mid muhiim ah oo miisaankiisa leh, salaadiinta iyo odayaasha dhaqanku waa inay is ogaadaan miisaanka iyo karaamada ay ku dhex leeyihiin dadkooda waana inay iyaguna ku tixgeliyaan qadarintaas dadkoodu u hayaan oo ay ka shaqeeyaan waxkastoo guul iyo farxad u horseedaya dadkooda , oo xoojinaya midnimada iyo walaaltinimada dadkooda waayo waa murayada laga daawado hadba marxaladaha lagu jiro ee ka jira dhulkii, waana inay ka fogaadaan kana gaabsadaan waxkastoo kala fogeyn kara dadkooda taas ayaanan ku liibaanaynaa aakhiro iyo aduunkaba.
Ilaahayna towfiiqda ha ina waafajiyo.

Nin xil qaaday eed qaad.

Nin la sugayow adna yaad sugi.

Waarimeyside war hakaa hadho.

Nooh Husein
oldnoah@icloud.com

Comments are closed

Akhriso Wararkii U Danbeeyey