|

Dowlada Somaliya Iyo Ingiriiska Oo Ka Tashaday Ajanddaha Shirka London Ee Wadda Hadalada Somaliland La Yeelanayso Soomaaliya

“Waxa shirkaasi hoggaamin doono madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’isal wasaraha Ingiriiska… waxaana la doonayaa inay wada hadal dhex maro dawladda Soomaaliya iyo Somaliland..” Wasiirka Afrika u qaabilsan Ingiriiska

Jan 26, 2013 Addis Ababa(Cadceed) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo wasiirka Ingiriiska u qaabilsan Afrika ayaa shalay yeeshay kulan ay ku gorfaynayaan qodobada lagaga hadli doono shirka bisha May loo qaban doono Somaliland iyo Soomaaliya.

Shirka wasiiradda Arrimha Dibadda ee dawladaha Afrika oo ay ka qaybgashay wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa shir doceedyo la yeelatay guddiyada arrimaha Soomaaliya ka shaqeeya ee aduunka, waxaanay shir gaar ah la yeelatay wasiirka Afrika u qaabilsan Ingiriiska oo ku guddo jira qabanqaabada iyo qorsheynta ajanadaha lagaga hadli doono shir loo qabanayo Somaliland Soomaaliya oo bisha May ee sanadkan lagu qaban doono magaaladda London ee dalka Ingiriiska.

Labadan wasiir ayaa shalay shirjaraa’id oo ay arrintaasi kaga hadlayaan ku qabtay magaaladda Addis Ababa ee dalka Itoobiya, waxaana ugu horeyn halkaasi ka hadlay wasiirka Afrika u qaabilsan Ingiriska Mr:Macc Simanis waxaanu ka hadlay kulankii dhexmaray isaga iyo wasiirka Arrimaha dibadda Soomaliya, waxaanu yidhi “Hadda uun baanu yeelanay kulan guddi gaar ah oo isla qaadaa dhigi doonna qodobada shirka Soomaaliya ee soo socda oo noqon doono shirkii labaad oo dhici doona bisha shanaad toddobadeedda, 2013, waxana shirkaasi hogaamin doono madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’isal wasaraha Ingiriiska, qodobadda aasaasiga ah ee lagaga hadli doono shirkaasi waa in la helaa wada shaqayn caalami ah oo laga wada yeesho sidii dawlada Soomaliya u sugi lahayd amniga dalkeedda”

Mar la waydiiyey inay madaxdii qaybaha Somaaliya ee kala duwanaa ee shirkii hore ka soo qaybgalay ka soo qaybgali doonaan shirkan dambe waxa uu yidhi isagoo si degan uga jawaabaya “Shirku waa mid aanu wada gudoominayno Soomaaliya iyo Ingiriisku oo aanu wada jir uga shaqaynayno cida aanu marti qaadayno, laakiin waxaan rajaynaa in wakiiladda qaybaha kale ee Soomaaliya ay ka soo qayb gali doonaan si buuxda shirka sidii shirkii hore oo kale, waxaana la doonayaa inay wada hadal dhex maro dawladda Soomaaliya iyo Somaliland iyo xidhiidhka qaybaha kala duwan ee Soomaaliya”

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Marwo:Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan oo iyana kulankaasi dhexmaray iyada iyo wasiirka Afrika u qaabilsan Ingiriiska waxay tidhi “Waxa na hor yaalla carqaladdo badan, laakiin taageeradda Caalamku na siinayo ayaa na siinaysa niyad wanaag iyo in aanu ka dhabayno hadafkayaga, waana ka wada soconaa shirkaasi (shirka London) oo aanu wax ka gudoomin doono, waxaan u mahadnaqayaa Ingiriiska, urur goboleedka Igad iyo dalalka kale ee sida weyn u taageeray Soomaaliya inay cagaheedda dib ay iskugu taagi lahayd”.

Wasiiradu waxay sheegtay qodobada muhiimada kowaad u ah ee ay doonayso in laga taageero, waxayna tidhi “waxaanu muhiimada kowaad siinaynaa amniga, waxaana u baahanahay in aanu lahaano waax amni oo xoog leh, mana ogolaanayno in Ciidamadda AMISOM iyo Itoobiya ay Soomaliya ka baxaan,anagoo aan dhisan ciidamadda amniga, arrintaasina waa arrimaha lagaga hadli doono shirka London, waayo Soomaaliya waxa ka jira labaatan kun oo maleeshiya ah oo u baahan in hub ka dhigis lagu sameeyo oo lagu daro ciidanka dawladda, waxa kale oo aanu doonaynaa in qaramda midoobay ka qaado cuno qabataynta dhinaca hubka ah ee saaran Soomaaliya si aanu ciidankayaga u xoojino marka arrimahaasi suurtogalaan ayey Amisom iy Itoobiya ka bixi doonaan”.

Sidoo kale waxay sheegtay wasiirku in shirkiii midowga Afrika ee wasiirada Arrimaha dibadda u socday ay guul ka gaadhay, isla marakana ka codsatay in hubka laga qaado, Soomaaliyana arrimaheedda ay u madax banaanaato, kuwaas oo ay isla qaateen, isla markaana loona gudbin doono qodobada ay madaxweyneyaasha dambe ka doodi doonaan.

Si kastaba ha ahaatee, Wejigii labaad ee shirkan Soomaaliya loo qaban doono ayaa waxa ajandaheeda ku jira in Somaliland lagu casuumo, iyadoo ay hogaaminayaan madaxweynaha Soomaaliya, taas oo ceeb ku noqonaysa jamhuuriyada Somaliland oo mar kale uu Ingiriisku damacsan yahay inuu khiyaameeyo mabda’ Somaliland, inkastoo uu hoosta ka xariiqay in shirkaasi lagu wada hadal siinayo Somaliland iyo Soomaaliya, hadana waxa cad in ajandaha shirkaasi ay soo wada dhisayaan Soomaaliya iyo Ingiriisku, taas oo aan wax wada tashi ah lagala Somaliland balse ajandahaasi noqon doono mid dibadda lagaga keenay.

Cadceednews Hargeysa

Comments are closed