|

Sir Ma Qabe Allaa U Sahan Ah, Heshiis​kii Ismaaciil Cumar Geele Iyo Habarawal Oo Fashilmay. W/Q- Yassin Musse (Yasin Yare)

Waxaa jirey Heshiis ay wada galeen Beelaha Mamaasan ee Ciise iyo Beesha Habarawal oo Ujeedadiisu ahayd in Doorashadii dhacday 28 Kii November ee Golayaasha Deegaanka ay Beesha Mamaasan ee Ciise hesho Aqlabiyadda Deegaanka Seylac iyo Maayarka iyo ku Xiggeenkaba isla Markaana Deegaanka Lughaya Noqdo Mid 3 Labdaas Beelood u bata oo Beesha Mamaasan Mayor ka noqoto Beesha Habrawalna Mayor Xigeen Noqoto. Qorshahaasina uu Fure u Noqdo in Beelaha Gadabuursiga ee Lughaya iyo Seylac Deegaanka u leh la baro bixiyo Gebi ahaanba .
Markay sidaas tahay waxaa la qaaday Tallaabooyin Xooggan oo arrinkaas Laada Beelood ee Gadabuursiga Duulimaadka ku ihi ay qaadeen oo ay ugu dambaysay Dadkii faraha badnaa ee 10kii Ciso ee Maalinta Codbixinta 28 ka November ka horeeyay laga soo gurayay Djibouti
Taasoo Bulsha Labada Beelood ee Jooga Djbiouti, Gebiley Hargeysa iyo meelo kaleba ay Farxad badan ka muujinayeen Qorshahoogaas ay ugu magac dareen Gadabuursigu Xeebta ma dego
Hawlgalakan ayaa waxaa fulinaayay Dad faro badan oo isgu jira Ganacsato, Siyaasiyiin kala jooga Djibouti yo Hareysa
Siyaasiyiinta Fulinasay waxaa ka mid ahaa Madxda Xisbiga Kulmiye Qaarkood iyo Madaxda Xukuumadda Djibouti sida
Kornayl Maxamed Jamac, Taliya Ciidanka Ilaalada KJamhuuriga ee Djibouti
Guddoomiyihii Hoe ee Baanka Djibouti, Alle ha u naxariistee
Haddaba Arrinba ALLE ayaa lehe Beesha loo tashaday ee Gadabuursi oo iyadu baraarugta waqti dambe ayaa Wiigii Doorashada Deegaanka ka horaysay uun Shirqoolkan ogaatay kadibna wixii itaal ay haysay ku hawlgashay ALLE na Guushii raaciyay

Somalidu waxay tidhaahdaa Sir ma qabe ALLE ayaa u sahan ah

By Yassin Musse (Yasin Yare)
yassinyare2013@hotmail.com

Comments are closed