Sheekadi Ubax Aayo Beelay! Qatbti 2aad W/Q: Maxamed Sadiq Dhamme
Ubaxaa qabriga galay
Hooyada ilmada qubtay
Waa qoomamiyo ciil
Waa qasaare ummaded
Waa qabar aduunoo
Qalbigeena jiifaa
Sheekadan ka qeexo
Qasaara tahriibkaa!!!
Cawil waxa soo korisay hooyo xaawa oo gaadhsiisay gaashan qaad laga sugayo inuu nasiyo hooyadii oo shan iyo toban sanno suuqa uga xoogsanaysay sidii uu horumar u gaadhi lahaa nafteeda iyo naftiisana u anficii lahaa, waxay geed dheer iyo geed gaaban u fuushay Hooyo X aawi sidii wiilkeeda Cawil u noqon lahaa nin muuqda waxbarasho ahaan iyo raganimo ahaanba waxkasta oo uu u baahdan hooyo Xaawi diyaarbay ula hayd wiilkeeda madiga ah,
waa labaatan jir isku tuntay turuq waliba gidaarbu leegyahay aqoon ahaan ma liito oo wuxuu gaadhay dugsi sare , waxana bil kaliyi uga hadhsantahay qalin jabinti dugsiga sare iyo bilawgii waxbarashada heer jaamacadeed,
muxuu hammiga qurubu qaraqay qalbiyada ubad himilo lahaa hawada naftuna ku hoday dhalaalaka yurub iyo qof waqtigu saaciday waa hore oo dal shiisheeye u baqoolay , garo oo dalkuba hanfi maaha aduunka loo hanqaltaagyo halkan way taala , waxayn dheernahay hawo safiya iyo cimilo macaan macdan ceegaagta buraheena iyo dahab aan daboolka laga rogin oo garaadkeena u baahan, oo eegtay y wuxuu ku taamaya oo isu sawirayaa Cawil nolol qurux badan oo uu taaga isleeyahay hooyada iyo naftaadaba ku anfac, alla qaad qurubah lacagta maala xantoobsada oo waaba wershada ma inaagunba fakhriga iyo gaajada la walaal oon nolosheenu qiima lahayn , maya maya qof kasta eebe ayaa qoray noloshiisa,
hadii aad hamidoo
hiyigaaga gashoo
hawadaa yurub taal
ogow waad halawdo
hamigaagu beenuu
kuu hogaaminyaa
haraadkad aragtiyo
habaaskad sheegte
dalka aad hiiftay
hawo beena weeyaan
hamigaaga ka saar
hawada yuruboo
iimaanso halkanay
hooyo kugu dihatee!!!
waxaad ka murugoonaysa sheekaooyinka Cawil niyad jabka haysta iyo waxa ka guuxay hammigiisa, wuxuu aaminay inaanu waxba taransan Karin ilaa uu yurub cagaha dhigo ma aaminsana nolosha dalkeena hooyo,
wuxuu ka shekaynaya markasta quruxda qurbaha qiimah yurub iyo nolosha qayrkeen samaysteen ,
waa hubaal in qurbaha qofba si ugu noolyahay , eebena wuxuu qoray calafka iyo risiqa qofkasta isagoo afartan habeen uurka hooyadi ku jira, imisaa yurub jooga oon shilin tabcan kaba darane dhalinta tahriibta fara laga qaada oo waa meehanow marba dal soo tuurayo markuu faraha ka helo,
wa qaxoonti lagu quudiyo sadaqada kiniisada iyo dhaqaale lasoo dawaray oo qiima lahayn,
nolol geeridu dhaanto oon raaxo lahayn ayuu galay Cawil habeenkastana wuu selalaa waanu hadaryaa ilay naftuba ma jogtoo oo wuxuu ku jira xaalad adag , hooyo Xaawa markasta waxay ku leedahay hooyo salada tuko habeenkina quraan akhrisa wa sid?e maxaa ku bedelay habeenkasta waad salalysa waad isla hadlaysa, nasiib daro hooyo xaawi ma oga waxa ka guuxaya qalbiga Cawil waxayse moodaysa inuu inuu ka fekerayo Cawil mustaqbalka qoyska madaaama uu nin u yahay oo anfac laga sugaayo,
nin meel u caday meeli ka madaw imisa gurbood kacay iyo guuleed tisqaday raqdiisa lasoo sheegay oo haadu fadhatay ,imisaa gashaanti lagu faani jiray qurux iyo jamaaladna eebe u dhaliyay gidaar iyo dooxo ganbeelaha sanka waawayni ku foofeen oo ilme la waleecdaysa meel aan ehel iyo aqaaribi joogin,
imisaa ubad hanti loo xaraashay habeen madoow dooni racaay oo libaax badeedka iyo noolah baddu ku caweeyen hilbihiisi , imisaa meel ay jaan iyo cidhib dhigeenn la la?ayahay oo laga baafiya BBC da iyo meelo kale , imisaa hooyo goblantay, waxaaso dhan waxa sababay qurbaha aan qiimaha lahayn ee qalbigooda degay inta araga gaaban,
Cawil asaxabtiisa abaabulan ayuu ku laba jeer noqonayaa waxay is waydaarsanayaan talo waxnay indha indhaynayaan siday u bixi laayeen xagay ka bixi lahyeen , waa sua?aala madantada ee ay is waydinayaan , waxay isku maawelinayan ereyo ay ku haasawan maangabka aan caqliga fayoobayn, kolba midba odhanya dalku dal maaha koontindharbaynu ku xidhanahay ,
naftaa hammidoo
hirka yurubeed
hilaaca moodiyo
nolosha hodanka
hankayga galay!
Ama waynu dhiman sida raga ama waxaynu dhaxli nolol sharaf iyo raaxle oo waxaynu ka mid noqon kumaanka qurba jooga ah ee dunida ku nool dadkuna way ina hiigsan doonan sida aynu u hiigsanno dhalinti inooga horaysay qurbaha,
wuxuu yidhi cawil isagoo saxiibad la fadhiya ereyo xasuus ku reebay oo sii abaabulay saaxibadiisi kale isago hoga tusaalaynaya heerka uu ka taaganyahay dalka iyo nolosha oo ay u dhaanto geeriyi hadaanu yurub jaanta dhigin!
ilay way baxaysaa
naftuu eebe uumo
waa amaano ruuxduye
ama yurub cagaha dhigay
ama ayda la hadhsaday
intaan noolay ! La soco????????
maxamed sadiq dhamme
telephone : 002522-448-7021
cadaalada5@hotmail.com