|

Shakhsiyada Qofka Soomaaliga Ah ! W/Q Yoonis Odowa

Allah subxanahu wataacaala markii uu abuurey kawnkan aynu ku noolnahay, waxa uu u kala sameeyay umado kala wada duwan haday ahaato diin,midab,qaab,luuqad waxanu u kala sameeyay mandaqado kala duwan oo ay ku kala noolaadaan dadkaas bini aadamka ah ee uu abuurey, waxaanay ka mid tahay awoodihiisa aan maxduudka ahayn ee ku cibro qaadashada mudan.

Dadka soomaalida ama umada soomaaliyeed ayaa ka mid ah umadahaa tirada badan ee allah uu uumey, waxaanu ku abuurey qaarada Africa gaar ahaan mandaqada geeska Africa. Asalkii hore ee soomaalida halka uu u noqonayay ayaa ah mid ilaa hada muran weyni ka taaganyahay oo aan marnaba kala cadeyn, maadaama oo umada soomaaliyeed aanay lahayn taariikh dhab ah oo qoran oo lagu kalsoonaan karo, taariikhaha qaarkood waxa ay sheegaan in asalkoodii hore carab yihiin, halka qaarkoodna laga soo dheegto inay yihiin ximaatik, maadaama oo dhulka soomaalida barigii hore la isku odhan jirey ardul xabash,taariikhaha qaarkod ba fogaaday iyagu iyagoo sheega in ay yihiin faraacina ama qawmiyadi fircooniyiinta ee dagi jirtey dalka masar iyagoo soo daliishanaya waxyabo badan oo dhaqan ahaan iyo xadaarad ahaan oo ka kala dhexeeya soomaalida iyo faraaacinada reer masar.

taariikhaha kuwooda ugu dhawina waxay sheegaan in soomalidu yihiin dad ay iska dhaleen carabtu iyo qawmiyada oromadu maadama oo ay leeyihiin sifooyinkii carabnimada ee asalka ah sida geesinimada,deeqsinimada iyo fariidnimada midab ahaan iyo qaab ahaana ku yar dhawyihiin dadka oromada ah ee muslinka ee ay jaarka yihiin soomalida. Isku soo wada duuduuboo ilaa imika waxa aan jirin masdar lagu kalsoonyahay oo loo raaco looguna hagaago taariikhdii hore ee soomalida, taas oo ay sababtey jahligii haystey soomalida oo uu daliil u yahay in luuqada farta soomaliga gabigeedaba la qorey mudo aan ka badneyn 41 sano ka hor oo ku siman 1972.

Hadaba shakhsiyada qofka soomaliga ah ama somali’s personality oo lagu tilmaamo mid la yaab badan oo dad badan oo caalamkan ku dhaqan ka yaabisey ayaan maanta qalinka u qaatey una arkey mawduuc dihin oo in wax laga qoro mudan. Marka u horreysa hadii aan isku dayo qeexida qofka ama ruuxa soomaaliga ah ayaan u dhigey sida tan: noole ku dhaqan bariga Africa oo diintiisu tahay islaam, oo kala midabo duwan lakin u badan maarriin, dhererkana dadka dhaadheer lagu tiriyo jidh ahaana dadka dhuudhuuban oo haatan ku kala filiqsan qaaradaha caalamka ka dib markii dalkoodii mashaakil siyaasi ah iyo mid ijtimaaci ahiba aafeysey.

Inkastoo Dagaaladii iyo barakacii guud ahaan ku dhacay dadka soomaalida intii ka danbeysey sagaashameedkii ay saameyn weyn oo baaxad leh ku yeelatey guud ahaan shakhsiyada qofka soomaaliga ah, hadana waxyaabaha qaarkood baa ah wax aan is badalin oo sugan oo genetic ama wiraasi oo la iska hido raaco ka awow waxana ka mid ah shakhsiyada, waxa kale oo saameyn ku leh deegaanka uu kasoo jeedo ha ahaado koonfurta soomalia, Somaliland, soomaali galbeed, soomaali Kenya iyo soomalida ku dhaqan jamhuuriyada jabuutiba.

Shakhsiyada qofka soomaaliga ah ayaa lagu tilmaamaa mid cajiib ah, waa marka koowaade waxa lagu tilmamaa dad kul kulul oo aad moodo in dhiigu markasta ku kacsanyahay,dabeecad ahaana ay waxoogaa yara kakanyihiin lakin dadnimo wanaagsan oo dad la dhaqan wacan,dadka soomalida oo dhani meeshay doonaan hakasoo kala jeedaane mid bay ka midaysan oo ah in waxyaabaha qaarkood ay muqadas u yihiin sida qadiyada qabiilka oo meel lama taabtaan ah ugu jirta laabta qof kast o soomali ah. Waxyaabaha ugu fiican ee dadka soomalida ahi dadka kale kaga duwan yihiin baa lagu tilmaamaa iyagoo ah dad qaraabo jecel oo qoys ahaan isku xidhan waxna is tara oo isu diir naxa taas oo ay kaga duwan yihiin dhamaan bulsho weynta caalamka.

Wax kasta oo caalamkan ka jira waxa ay leeyihiin wanaag iyo xumaan ama positive iyo negative, hadaba shakhsiyada qofka soomaliga ah ayaa iyaduna leh dhinaceeda wanaagsan ee togan ama dhinac taban oo salbi ah, hadaan ku horreeyo dhinaca togan ee shakhsiyada qofka somaliga ah waxa lagu yaqaanaa horta deeqsinimo,geesinimo,diin ku dhaqan,dadnimo wanaagsan,raganimo badnaan , intaas oo sifo ayaa ugu muhiimsan dhinaca togan ee shakhsiyada qofka soomaliga ah.

Hadii aynu ka eegno dhinaca taban ama negetivek ah, waxa la odhan karaa waxoogaa wey badanyihiin waxaana ka mid ah beenta, xanta, hadal badnaanta, af dheerida,caajisnimada, waqtiga oo aanay ixtiraamin , sabir xumada . sifooyinkaas aan halkaa kusoo koobay baa ugu muhiimsan shakhsiyada qofka soomaliga ah dhinaceeda taban.

Si kastaba ha ahaatee , noolahaas bariga Africa ku dhaqan ee carro kasta oo aduunka ka jirta ku nool waa soomaaliga e, ayaa wax uu markasta ahaanayaa shakhsiyadiisu mid la yaab badan oo is burinaysa, oo mararka qaarkood la is odhanayo waa dadka ugu fiican aduunka ee ilaahay abuurey, marmarka qaarkoodna aad ka yaabayso waxyaabaha qaarkood ee ka suurtooba.

By:yoonis odowa

Khartoum,sudan

Mr_yoonis@hotmail.com

Comments are closed

Akhriso Wararkii U Danbeeyey