|

Murtidii Wasiir Cadami: “Waan-waantii koowaad wajigabax ku xidhantee, walise weeyi sheekado oo wajigii labaadbaa miis wareegsan saarane, wilwilaha u kaadshoo, ishubsada walaalow”.

Wasiirka Gaashaandhigga SL Mr.Cadami oo ka mid ahaa gulufkii weerarka ahaa ee amray in caruurta dareenkooda muujineysa xabad lala dhaco ayaa markii ay ku soo noqdeen Hargeysa shir jaraa’id oo uu qabtay si cad ugu sheegay in arrinta saylac ayna sidan ku dhammaaneyn ee ay socon doonto ilaa beelaha degaanka ee shakiga iyo tuhunka colaadeed la dhexdhigay ay si nabad ah u wada fadhiistaan.

Waa yaabe! Waxa dastuurka iyo shuruucdaba ka weyn ee arrinta Saylac looga ladi laayahay waa maxay?, bal aan isku dayo inaan duljoogsado sababaha ugu mihiimsan oon ka soo qaadi karo:

1- Taariikhda soo jireenka ah ee degmadani oo loo quudhi laayahay dadka asalka u leh.

2- Kheyraadka faraha badan ee qabnaddani la duugan tahay oo tartan loogu jiro mudnaanta manaafacaadsigiisa (Royalty beneficiary).

3- Xeer-kaymeed la sheegay in beesha Ciise la gashay SNM bilawgii burburkii Soomaaliya sida ay ka dhawaajiyeen guddoomiyaha xisbiga Kulmiye iyo duqii ugu da’ weynaa SL markii uu Borama yimid.

Si kastaba ha ahaatee; waxa hubaal ah in geed gaaban iyo mid dheerba loo cuskanayo sidii degmada saylac kooto loogu gelin lahaa beesha ciise oo aan tartan la galinin iyadoo lagu badalanayo masaalix lagu leeyahay dalka Jabuuti oo ganacsi iyo siyaasadba leh; sidaa awgeedna aanu khusaynin xeerkii doorashada lagu galay iyo shuruucda la xidhiidha ee dastuurka laga dheegay – taasina waa midda keentay guluf ergo lagu sheegay in loo diro bulshaweynta Awdal si loogu sadqeeyo masaalixa gaarka loo leeyahay ee Jabuuti yaala halka cabashada beesha ciise la marin lahaa wadada sharcigu u oggolyahay ee lagu qanciyey dadka iyo ururada iyaguna cabashada ka muujiyey natiijadii doorashada goleyaasha degaanka, maxaa yeelay wax aan caddaalad iyo run aheyni kama dhicin Saylac.

Waxan gabagabada qoraalkani ku soo afmeerayaa afaray jacbur ah waayo anigu gabayaa ma ihi; taas oo tilmaamaysa muhimadda wadanoolaanshaha iyo qiimaha ay Saylac ku fadhido:

Saylac waa qabno aasan oo qarniyo soo talineysay

Deegaan qaaliya weeyi oo taariikhdu qorayso

Qoomiyaddaa Gadabuursi ayaa qayb u heshay

Qraalkii baa la hayaa oo quruumuhu way ogyihiine

Raggan maanta qarwaayee Qallooc aan soconeynin

Quluubtooda u sheegayow Qof intuu iga noolyahay

Lama qaadan karaayee Nabadda haynaga qoomine

Aayar qaybta codkaaga waaba qayra=macquule

Bisinkuun u qabso

Qani weeye degaankuye kheyraadkiisa aan qodanee

Qaran baan ahayoo Quwad baan ku muquunintu

Qolof bay kaa ridaysaaye Gacmaha aan isqabsanoo

Qayrkeen jaanta la qaadnee Hala joojo Qallooca.

Mohamed Abdullah Obsiyeh

Comments are closed